Who was the man covered by the demon?

KUMUU AHAA NINKII JINKU AF DUUBTAY ?

Nin baa reerkiisi ka tagay si uu u usoo tukado cishe kadib waa la waayay, xaaskiisi ba dabadeed u tagtay cumar ibnu khadaab si ay arinkaa ugu sheegto, cumar wuxuu ku yiri iska sug 4 sanno.

markay dhamaystay 4 sanno ayuu yiri iska guurso, muddo kadib gabadhii waxaa yimi ninkeedi hore,cumar bay isula tageen si uu u xaliyo doodoodaa cumar baa ku yidhi ninkii:-midkiin wayska maqnaanayaa mudo dheer isagoon ogayn xaalka ehelkiisa.?  

Ninki;- cududaar baan lahaa.

 cumar:- muxuu yahay cududaarkaagu….?       

Ninkii:- waxan aaday masaajidka si aan uso  tukado salad cishe dabadeed waxaa I kaxaystay shaydaan, waxaan agtooda ku sugnaa mudo, wakhti wakhtiyada kamid ah ayaa jin muslima soo werareen jinkii i haystay oo la dagaalameen wayna ka adkaadeen.

waxay jinkii muslimka ahaa ka heleen jinkii gaalada ahaa (qaniimo),sidoo kalle waxa jiray qafaal, qafaalkaa ayaan kamid ahaa.

markaasay iwaydiiyeen oo dhaheen kumaad tahay….?   

   Ninkii:- muslim baan ahay.

Jinkii muslimka ahaa:- adigu waxaad haystaa diintayada nooma banana inaan ku qafaalno, markaasay waxay ii kala dooransiiyeen Inaan agtooda joogo iyo inaan laabto, markaasan doortaay laabasho dhulkaygii ah.

intii aan ku sugnaa agtooda habeenki waxay iikeeni jireen dad aanu wada sheekaysano, maalinkiina dabayl duufan wadata oo aan raaco.                                                      

Cumar:- cuntadadu maxay ahayd…?       

Ninkii:- wax walboo aan bisinka ilaahay lagu xusin.         

Cumar:- cabitaankaaguna muxuu ahaa…?         

  Ninkii:- sharaab intaanu gaadhin heerka khamriga.

cumar markaasu kala dooransiiyay ninkii inuu xaaskiisa la joogo ama uu doorto meher.

U.L: (laqdul marjaan fii axkaami al- jaan) suyuudi

akri qisadii suraaqa :- https://somaaliweb.com/wp-admin/post.php?post=151&action=edit

qiso cajiiba https://t.me/DARIIQA_JANADA/609

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *