
kumuu ahaa Nabi maxamed ?
Waxa waajib kugu ah inaad barato kumu ahaa Nabi Mohamed sallahu calayhi wasalam…! kaas oo alle usoo diray dadka oo dhan, Ahaana macalin, edbiye iyo hanooniye dadka ku hanooniya dariiqa toosan.
Magaciisu waa maxamed ibnu cabdullahi ibnu cabdimudalib,hooyadiis waxaa la odhan jiray aamina bintu Wahab binu cabdimanaaf, waxa uu kasoo jeeday Quraysh qabiilada ugu sharafta badnaa uguna waynaa, wuxuu ahaa nuur ilaahay koonkan usoo diray ahna bina,aadam sida dadka oo kalle, cuna oo caba,socdana suuqyada sida uu alle tilmaamay.
Markii cabdullahi ibnu cabdimudalib gaadhay 25 sanno ayuu guursaday aamina bintu Wahab,waxay ahayd aamino markii nabi maxamed caloosha galay mid loo yimaado laguna dhaho (waxaad sidaa sayyidkii umadan, marka aad dhasho waxaad dhahadaa “أعيذه بالواحد من شر كل حاسد”، ثم سمّيه “محمدًا” oo macnaheedu yahay:- “waxaan magan galinayaa allaha kaliga ah waaxanna ka magan galinayaa sharka mid walboo xaasida”.
Waxa uu ahaa cabdullahi oo ahaa nabiga aabihii ganacsade, waxa uu safar ugu baxay dhulka shaam isagoo sii maray magaalada madiina, waxuu ku sugnaa muddo ,wuu ku xanuustay madiina waxaana ugu timi geeridii isagoo jira 25 sanno, aamina bintu Wahab waxay ku siday wakhtigaa caloosha maxamed 2 bil, waxa uuna uga tagay cabdullahi maal,5 awr,tiro adhiya iyo jaariyad xabashiyad ah oo la dhaha “barako” laguna naanaysi jiray umu ayman.
XILIMAY AHAYD DHALASHADII NABI MAXAMED ?
Wuxuu dhashay nabi maxamed sallahu calayhi wasalam maalin isniin ah 12 rabiicu-al awal, sidoo kalle waxa la sheegaa inuu dhashay 8 ama 9 bishaas, kagana beegnayd miilaadiga bisha April 20 keedii sannadii 571M, wuxuuna ahaa sanadkaasi sanadkii ku caan baxay sannadkii maroodiga, kadib Abraha markii uu isku dayay inuu dumiyo kabcada.
waxay sheegan taariikh yahanadu markii ay kasoo wareegtay 50 cisho halaagidii Abraha ayuu dhashay nabi maxamed calayhi salaam waxay nabiga hooyadii sheegtay inaanay ku dareemin markay uurka ku siday waxa ay dumarku dareeman ee xanuun iyo culays ah.
Xassaan binu saabit waxa uu sheegay isagoo ka sheekaynaya dhalashadii nabiga:-“waxaan ahaa mid 7 ama 8 sanno jir ah,fahmana wax walba aan maqlo, waxaan maqlay nin yahuudi ah oo ka qalinaya dhagax dushii oo yahuuda isugu yeedhaya, markii ay u yimaadeen waxa ay ku dhaheen war hoog eh maxaa kuu sugnaaday…!, Wuxuu yiri caawa waxaa soo baxay xiddigii ahmed oo dhashay”. <<bayhaqi.albaanina waa saxiixiyay>>.
Maxamed alle ayaa doortay kana doortay reer bani haasim, haashimna kasii doortay Quraysh,quraysh ka doortay carabtii kalle.
Nasabkiisuna waxa uu ahaa kuwa ugu cad cad oo aanan xataa ahayn dadkii dhiiga daadiyaasha ahaa jaahiligii, nasabkiisuna uu yahay mid xidhiidhsan Ilaa aadam calayhi salaam. Nabigu waxa uu ku bar baaray ilaalada rabi iyo xifdigiisa الطور: 48، {فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا} cidii dhibaato la doontana alle ayaa fashilin jiray, waxayna noqon jirtay mid ku dhamaata guul daro.
BAR BAARINTII NABI MAXAMED
Waxa uu dhashay isaga oo agoon ah, kadib markuu dhintay waalidkii isagoo ku jira uurka hooyadii waxa masuuliyadiisii la wareegay awoowgii cabdi mudalib, waxa uu siiyay ilaalin tii u wanagsanayd, wuxuu ahaa nin sayyid ah oo laga haybadaysto wakhtigaas cabdi mudlib waxa uu u dooray gabdh wanaagsan oo naas nuujisa isagoo hooyadii naas nuujisay markii u horaysay.
sidoo kalle suwaybana ay nuujisay waxa uu go,aansaday awoowgii inuu u diro baadiyaha sidii dhaqankii carbeed ahaa si ay caruurtu u noqoto kuwo xoogan, caqli iyo jidh caafimaadana u yeeshaan.
waxa uu markaa u dooray inay nuujiso xalimatu sacdiya-alle haka raali noqdee, waxa uu nabigu la noola reer bani sacad sanadihii u horeeyay noloshiisa, waxa uu ka helay xaliimo bar baarin wanaagsan, waxa ay ku aragtay cunugaa yar ee agoonka ah barakooyin intuu agteeda ku noola laga bilaabo kasoo qaaditaankii maka ilaa inta uu agteeda joogay, waxa kamid ahaa barakooyinka:- laabteeda(naasaha) oo caano ka buuxsameen halka markii hore ay ahaayen kuwo gudhay,waxa ay ahayeen caruurta xaliimo kuwo ooya gaajo awgeeda lakin waxay noqdeen kuwo hela caano ku filan aana ooyin markuu nabigu u yimi,
Xaliimo waxa ay ku dadaali jirtay maxamed inuu agteeda joogo markii ay aragtay barakooyinka la socda.
Waxa uu ku qaatay nabi Mohamed calayhi salaam sannadihiisii u horeeyay miiga isagoo koray jidh ahaan maskax ahaan iyo caqli ahaanba,bartay dhaqankii carbeed,carabkiisuna noqday mid fasiixa.
DHACDADII JEEXITAANKA QALBIGA NABIGA
Nabi maxamed xaliima waxa uu agteeda ku gaadhay 4 jir,maalin maalimaha kamida isagoo la ciyaaraya caruur waxa u yimid arin wayn oo dadkii cabsi iyo argagax ku abuuray, oo ahaa in nabiga ay u yimaadeen malaku jibriil iyo malag kalle inta ay nabiga qabteen bay laabtiisa jeexeen kana soo saareen qalbigiisii, kadib qalbiga nabiga waxay kasoo saareen qayb yar oo madow,markaasa jibriil yiri:- (intaasi waa dheeftii uu shaydaanku kugu lahaa),kadib bay qalbigiisii iyo calooshiisiiba ku dhaqeen weel dahab ka samaysan iyagoo adeegsanaya biyaha samsamka ah waxayna kusoo celiyeen booskiisi iyagoo caruurtu daawanayso.
markii ay arkeen dhacdadaa ayay goobtii ka carareen (ordeen) iyagoo u tagay xaliima bintu sacdiya una sheegay in Mohamed la dilay, Nabigu waxa uu soo qaabilay caruurtii isagoo baqdin ka muuqato.
anas ibnu maalik waxa uu ahaa wiil yar wuxuuna kamid ahaa caruurtii uu nabigu la ciyaaraayay wuxuu yiri: “nabiga duntii toliinka ee la tolay way ka muuqatay” <<saxiixu Muslim>>
Xaliimo waxay u baqaday nabiga in dhibaato ku dhacdo waxa ayna u celisay hooyadii iyadoo ku dhahaday amaanadaydii waan soo celiyay iyadoo uga warantay qisadii dhacdayna,nabiga hooyadii arinkasi ma argagax galin waxayna tiri:- “waxaan arkay nuur igasoo baxay oo ifiyay qasriyada shaam”, iyado ka waramaysa markay dhalaysay nabiga.
IMISA JEER AYAA QALBIGIISA LA JEEXAY NABIGA….?
Dhacdadaasi waxay nabiga kusoo labo laabtay saddex jeer,markii koowaad waxa ay ahayd isagoo yar marka qalbigiisa laga saaray dheeftii uu shaydaanku ku lahaa, labaadna markii lasoo saaraayay marka saddexdaana waxay ahayd markii la dheelminaayay.
XILIMAY DHIMATAY NABIGA HOOYADII ?
Nabiga sallahu calyhi wasalam wuxuu ahaa markay xaliimo makka ugu gaysay mid hooyadii ay barbaariso ilaa uu gaadhay 6 jir, waxaa dhimatay hooyadii kadib markii ay kasoo laabatay nabiga abtiyaashii magaalada madiina meel u dhaxaysa maka iyo madiina oo la dhaho “abwaa“.
Nabigu wuxuu kusoo koray lixdii sanno oo u horaysay aabo la,aan halka uu wali isago yarna ay dhimatay hooyadii, kadib dhimashada hooyadii waxa la wareegay masuuliyadiisa awawgii cabdi mudalib isagoo u bar-baariyay si wanaagsan siduu ugu buuxiyo booskii walidkii,wuu dhawaystay cabdi mudalib nabiga sallahu calayhi wasalam isagoo ka hormariyay caruurtiisa.
Nabigu sallahu calayhi wasalam wuxuu ahaa mid adhi ku raaca agagaarka makka sidi ay ahaayeen nabiyadii ka horeeyaya kuwo adhiga raaci jiray, wuxuu mushqaayad(lacag) ku qaadan jiray adhi raacista.
Maalin maalmaha kamid ah ayaa cabdi mudalib waayay nabiga isagoo u murugooday allena ka baryay inuu u soo celiyo, nabigu markuu soo laabtay wuxu cabdi mudalib go,aansaday inaanu dib agtiisa uga fogaan, sidaas ayuu u ilaalin jiray oo ugu dadaali jiray ilaa ay geeridii u timi cabdi mudalib isagoo nabigu 8 sanno jira, intaanu dhimana waxa uu usii dar daarmay nabiga adreekii abuu dalib inuu kala wareego masuuliyada nabiga.
KAFAALO QAADASHADII ABUU DAALIB
Abu daalib waxa uu ahaa nin caruur badan haytsa,faqiirna ah xaaskiisu waxay dareemi jirtay caruurtiisu inaanay waligood ka dhargin cuntada saboolnimo awgeed, markii uu nabigu dhexdooda yimi ayay barakadii usoo gashay waxa ay ahaayeen caruurta abuu daalib hadii ay iyagu cunteeyaan kuwo aan dhargin hadii uu nabigu la cunona kuwo dharga, hadii ay cabis tahayna nabiga ayaa abuu daalib ka bilaabi jiray markaasay cabijireen wuxuu soo reebo nabigu.
Waxay ahaayeen caruuta makka kuwo ay diif iyo dayac ka muuqato danyari aawadeed laakin nabigu waxa uu ah mid dufan iyo quruxi ka muuqato, abuu daalib isaga oo xaaladaas adag ku sugan ayuu u bar baariyay nabiga si wanaagsan wuxuu seexin jiray dhiniciisa waxa uu ahaa mid hadii usafrayo ama meel aadaayo sii kaxaysta, la garab taagan hiil iyo hooba.
QISADII RAAHIBKI (BUXAYRA)
Buxayra waxa uu ahaa nin diimihii hore wax kahaysta waxa uu ku noola dhulka shaam oo laysku dhaho maanta (falastiin,suuriya,urdun,iyo lubnaan).
Abuu muusa al ashcari wuxuu yiri: “abuu daalib wuxuu safar u aaday dhulka ruum, nabiguna wuu la socday,sidoo kalle waxa ku wehelinayay safarkaa odayaashii Quraysh, markii ay soo mareen raahibka oo dagnaa dhulka shaam ayay safarkoodi dajisteen oo alaabtii fur furteen si ay ugu sii nastaan halkaa, kadib raahibkii dhexdooduu soo maray isagoo u eg qof cid raadinaya wuxuu arkay nabiga sallahu calayhi wasallam markaasu gacanta qabtay wuxuu yiri:- ( kani waa sayyidka dadkoo dhan, waa rasuulka rabigii caalamkan, intaas markuu yidhi ayaa shiikhyadii quraysheed su,aal waydiiyeen raahibkii.
yaa kuu sheegay inuu yahay nabi..? wuxuu ku jawaabay marka aad halkaa kasoo muuqateen geed ma jirin iyo dhagaxba ilaa waa sujuuday, umana sujuudaan ilaa nabi maahane aniguna waxaan u garanayaa inuu yahay nabiyada kii udanbeeyay markaasu gurigiisi ku laabtay cuntana usoo sameeyay markii uu soo laabtay ayuu yiri maxamed isoo dira, nabigu inta uu sii socday waxa hadhaynaysay daruur isaga qudha,markii uu yimi agtooda geed ay hadhsanayeena hadhkii waxa uu aaday dhinaca nabig sallahu calayhi wasalam.
markaasa buxayra yiri :- (fiiriya hadhkii xagiisa ayuu aaday, waxa uu buxayra kula dar daarmay inaanay dhulka ruum gaynin nabiga sababtoo ah hadii ay sifooyinkan ku arkaan reer ruum way dilayaan, muu ahayn mid ka suula dardaaranka in la celiyo nabiga ilaa abuu daalib uu u baqay nabiga go,aansadayna inuu celiyo waxa uu kusii daray abubakar iyo bilal si loogu celiyo nabiga magaalidiisii makka.
ALLE WAXA UU KA ILAALIYAY NABIGA MACAASIDI JAAHILIGA
Alle waxa uu ka ilaaliyay nabigiisa macaasidii, dhaqan xumadii iyo ficiladii aan suubanyn oo ay jaahiligii samayn jireen Quraysh si ay taariikhdiisu u noqoto mid cad oo ka dheer madow iyo foolxumo, wuxuu ahaa nabigu hogaan alle usoo diray dadka xilli walba, goob kasta iyo wakhti kasta.
Cali binu abu daalib wuxu yiri:- waxaan maqlay nabiga oo leh “ kumaan hammiyin waxa ay ku hamin jireen quraysh jaahiligii oo xumaan ah ilaa labo mar maahane labadaasna alle ayaa iga ilaaliyay.
markii koowad waxay ahayd habeen wiil Quraysh kamid ah oo agtayda fadhiya ehelkiisana ugu raaca hareeraha makka adhi aan ku idhi :- adhigayga ii fiiri caawa waxaan u cawayn sida ay dhalinyaradu u cawayso e, wiilkii waxa uu yiri waayahy, nabigu wuxuu yiri waan soo baxay waxan imi daarti noogu dhawayd oo kamid ahayd daraha makka, waxaan maqlay hees iyo durbaano la garaacayo…! markaasaan ku dhahay dadkii Meesha ka dhawaa waxan maxay waaye…? Markaasay ugu jawaabeen ninka la dhaho hebel ayaa waxa uu guursanaya heblaayo gabadha la dhaho, markaasaan is dhahay xooga la ciyaar oo dhex gal kadib hurdo ayaa I qabatay oo waan lulooday mana kicin ilaa qorrxadii kulkeedii iqabtay waabargii.
habeen kalle baan isla sidii sameeyay markaan is dhahay ka qayb qaado waxaa ii timi hurdo mana baraarugiin ilaa aan ku kacay kulkii qorraxda aroorti, kadib waxan u laabtay wiilki, wuxuu I waydiiyay maxaad samaysay..? waxaan ku dhahay waxba ma samayn .
Nabigu markaasu yidhi:- ilaahay baan ku dhaartaye maalinta ka dib kumaanan fakarin wax xumaan ah oo ay samayn jireen jaahiligu ilaa uu alle igu karaameeyay nabinimada.