WHAT DO YOU KNOW ABOUT SHA,BAAN

MAXAAD KA TAQAAN BISHA SHACBAAN ?

Shacbaan waa bisha 8aad ee bilaha hijriga, waxayna u dhaxaysaa rajab iyo ramadaan.

Bixinta magaca shacbaan Meesha uu ka yimi culimada qaarba wax bay sheegan, waxana ka mid ah:-

1: carabi waxay ahayd kuwo u kala foofa si ay u helaan biyo.

2: waxay ahayd carabi kuwo ku kala foofta qaaradahaas si ay u helaan xilal iyo wixii lamida.

3: waxay kasoo dhex baxday oo u dhaxaysaa labada bilood ee kala ah rajab iyo ramadaan.

SHACBAAN BIL LA MOOGAN YAHAY MIYAA ?

عن أسامة بن زيد رضي الله عنهما، قال: قلت: يا رسول الله، لم أرك تصوم من شهر من الشهور ما تصوم من شعبان، قال: «ذلك شهر يغفل الناس عنه بين رجب ورمضان، وهو ‌شهر ‌ترفع فيه الأعمال إلى رب العالمين، فأحب أن يرفع عملي وأنا صائم» (أخرجه النسائي).

Saxaabiga usaame binu sayd alle haka raali ahaade wuxuu yiri: Nabiga ayaan ku dhahay maan arag soom aad bil soomto oo ka badan bisha shacbaan ? nabigu sallahu calayhi wasalam wuxuu yidhi:-“ waa bil ay dadku ka moogan yihiin, una dhaxaysa rajjab iyo ramadaan, waana bil acmaasha loo bandhigo rabiga caalmkan leh, marka waxan jeclaystay camalkayga in alle loo bandhigo anigoo sooman.” <<Sunanu nisaa,I 2357>>

عن عائشة رضي الله عنها قالت: { كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يصوم حتى نقول: لا يفطر، ويفطر حتى نقول: لا يصوم، فما رأيت رسول الله صلى الله عليه وسلم استكمل صيام شهر إلا رمضان، وما رأيته أكثر صيامًا منه في شعبان }.متفق عليه  

 Caisha oo ahayd xaaska nabiga waxay tidhi:-(waxa uu ahaa nabigu mid sooma ilaa aanu dhano afuri maayo, afurana ilaa aanu dhahno soomi maayo, maan arag nabiga oo dhamaystirtay soom bil waligii ilaa bisha ramadaan maahane, maanna arag bil uu ka soomis badan yahay bisha shacbaan).<<saxiixu al-bukhaari iyo saxiixu muslim>>

Nabigu ma xidhiidhin jiray soomka bilaha soom labo bil  ?

Nabigu sallahu calayhi wasalam muu ahayn mid soomay labo bil oo xidhiidha ilaa shacbaan iyo ramadaan maahane, umu salama oo ahayd xaaski nabiga waxay tidhi 🙁 maan arag nabiga oo xidhiidhiyay soom 2 bil ilaa shacbaan iyo ramadaan maahane).

DADKU MAXAY U MOOGAN YIHIIN BISHAN ?

Bishan waxa ay u dhaxaysaa 2 bil oo aad u waawayn bisha koowaad waa rajab oo ka mid ah bilaha xurmada leh, bilahaas xurmada leh oo ah (muxarram, rajab, dul-qacda, dulxijja) waa bilo soomkoodu sunne yahay, iyadoo aan loo aaminayn fadli gaara uu leyhay soomka lasoomaayo bilahaasi, bisha labaadna waa ramadaan oo bil barakaysan ah, dadku markaa waxay shacbaan kaga mashquuleen labada bil ay u dhaxayso.

CIBAADAD WAXKHTIGA AY DAKU MOOGAN YIHIIN

Cibaadad waxa loo suneeya wakhtiga ay dadku moogan yihiin sababo dhowr ah:-

  • 1: Inaad la kali noqoto cibaadad alle.

Qofku wuu soomayaa wakhti ay dadku afuran yihiin.

Ilaahay buu u istaagayaa wakhti ay dadku hurdaan.

Ilaahay buu xusaya wakhti ay dadku moogan yihiin.

Waa sadaqadaysanayaa wakhti ay dadku bakhaylayaan.

Cibaadada wakhtiga ay faafto mooganaantu waxay ku leedahay nafta raadayn wayn, ajar wayn oo uu adoonku helaayo iyo jacayl gaar ah oo alle aad ka helayso, waxa ay ahaayeen qaar salafkii  kamid ah kuwo jecel ka faa,idaysiga makhrib iyo cishe dhexdooda waxayna odhan jireen waa wakhti ay dadku ka moogan yihiin.

Waxa xadiiska aynu ka qaadanaynaa fitanka iyo mooganaanta dadku ay ku sugan yihiin, qofkii markaa ka faa,idaysta wakhtiyadaa wuxuu helay ajar ka badan ka wakhtiga aan la mooganayn.

3: isaga u qarsoodi badan kana fogaansho badan xaga istusnimada.
  • 2: iyada wayn xaga ajarka, nabigu sallahu calayhi wasalam wuxuu ku yiri saxaabada :-“ hortiina waxa  ahaanaysa (xilliyo iman doona) maalmo sabir oo u noqonaysa qofka inuu dhinbiil dab ah gacanata ku hay kell, qofkii qabsada diinta oo ku dhaga waxaa ajarkiisu noqonaya 50 saxaabi oo shahiida jarkood”  <<saxiixul jaamic 2234>>

Camalka aad samayso wakhtiga ay dadku moogan yihiin isgaa alle u khaalis badan, kana fogaansho badan istusnimo, una dhawaansho badan aqbalid.

قال عليه الصلاة والسلام في حديث السبعة الذين يظلهم الله في ظله يوم لا ظل إلا ظله:    { ورجل ذكر الله خاليا ففاضت عيناه…. ورجل تصدق بصدقة فأخفاها حتى لا تعلم شماله ما تنفق يمينه}. متفق عليه

Nabigu sallahu calayhi waslam wuxuu ku sheegay xadiiskii 7 carshiga ilaahay hadhsanaayay :- “Nin xusay ilaahay isagoo kali ah ayna shubmeen indhihiisu ilmo iyo nin sadaqaystay isagoo aanay ogayn bidixdiisu waxay bixisay midigtiisu”.<<bukhaari & muslim >>.

SIDAY SALAFKII U CIBADAYSAN JIREEN WAKHTIGA MOOGANAANTA

Salafkiina waxay ahaayeen kuwo qariya camaladood ilaa ay odhan jireen qaarkood :- (anigu ma tirsado camalkayga wixii muuqda oo dadku markaan samaynayo ay arkaan).

Ibnu jawsi wuxuu sheegay in qaarkood ay soomanayeen 40 sanno iyagoo aan cidna ogayn, wuxuu ahaa mid suuqa ka shaqeeya, markuu gurigiisa kasii baxayo wuxuu sii qaadan jiray labadiisaba xabbo oo bur ah jidka intuu marayo ayuu cid ku sadaqadaysan jiray, gurigana maalinkii wuu ka maqnaan jiray markaasa ehelkiisu u malayn jireen inuu suuqa wax ka cunay, dadka suuquna u malayn jireen inuu xaafada wax ka soo cunay.

4: Nafta way u dhib badan tahay

Cibaadad aad samaynayso wakhtiga mooganaanta ma haysatid cid aad kaga dayato, kudayashadu qofka waxay u fududaysaa inuu si hawl yar cibaadad ku sameeyo marka aad aragato dad badan oo aad wada gudaysaan cibaadadaa, camalka samayntiisuna markaad ku kali tahay wuu ka dhib badan yahay mararka kalle nabiguna wxuu yiri:-

عن معقل بن يسار رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم :- { العِبَادَة في الهَرْجِ كَهِجْرَةٍ إليَّ }  “رواه مسلم” ص 2201  

Waxa kaso warinaya nabiga Macqal ibnu yasaar, nabigu wuxuu yiri:-  “cibaadad la sameeyo wakhtiga fitanka waxay ka dhigan tahay hijro aniga laysoo hijrooday”.  <<sunanu tirmidi 2201>>.

وعن أبي هريرة رضي الله عنه مرفوعًا: بَدَأَ الْإِسْلَامُ غَرِيبًا وَسَيَعُودُ كَمَا بَدَأَ غَرِيبًا؛ فَطُوبَى لِلْغُرَبَاءِ؛ “رواه مسلم”،  ص .145  

Sidoo kalle nabigu wuxuu yidhi:-“ islaamku wuxuu bilowday isagoo qariib ah oo aan cid taqaan ama muslim ahayn jirin, wuxuuna ku noqonayaa qariib nimadiisii, waxa khayr badan u sugnaaday dadka markay dadku xumaadaan hagaajiya oo toosiya”.  << saxiixu muslim 145>>.

  • 5: qofka waxay ka digaacda masiibooyinka

Cibaadad uu sameeyo qofku wakhtiga fitanka waxay ka xijaabtada masiibooyinka iyo fitanka, sidoo kalle waxay ka bad baadiisa cuquubooyinka, salafkii qaar kamid ahi waxay dhaheen: (hadii aanay jiri lahayn alle dad xusa wakhtiga mooganaanta alle wuu halaagi lahhaa).

macluumad dheeriya:- https://t.me/DARIIQA_JANADA

akhri macluumad ku saabsan nabi maxamed;- https://somaaliweb.com/who-was-prophet-muhammad/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *