waa maxay xukunka salaada taraawiixda?

Su.aal. Weydiiyahan Waxa uu ka hadlaya naftiisa:

sheekh Waxaan ka shaqeeyaa dukaan dharka lagu iibiyo, mulkiilaha dukaankan ayaa diidan in masjidka lagu tukado Taraawiixda, isagoo ku marmarsiyoonaya in bakhaarku xiran yahay muddadaas, maadaama uusan muddadaas waxba la iibineyn, ma bannaan tahay in aan keligey ku tukado guriga ka dib marka aan shaqada dhammeeyo ?

πŸ“„ #Jawaab: Salaaddaha habeenka waa la badiyey, Alxamdulilaah waxaa lagu tukan karaa guriga ama dadka macooda

haddii ay shaqadu ku beegamato xilliga taraawiixda, waa in aad shaqaysato xilliga taraawiixda. Maxaa yeelay waxa lagu siinayaa lacag, taraawiixdana waa salaad sune ah, markaa waa in aad ku shaqayso heshiiska adiga iyo saaxiibkaa idinka dhexeeya, oo ah haddii uu heshiisku dhigayo in aad shaqada bilaabayso salaadda waajibka ah ee β€˜Cisha’ ka dib, waa in aad shaqada bilawdaa, in uu ku fasaxo mooyee, waxaana kuu suurto gal ah Inaad habeenka gurigaaga ku tukan karto salaadda Tahajudka.

Sh. Ibnu baas AUN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *