waa maxay xukunka qofku soonka xidhiidhiya?

Su’aal: Waa maxay soonka wisaalku (laysku dabaqabto), miyuuse yahay
sunne?

Jawaab: Soonka wisaalku waa inuu qofku soonka isku daba qabto laba
maalmood oo isku xiga isagoon afurin, Nabiguna wuu nahyiyay
soonka sidana wuxuuna yidhi ﷺ:

((Qofkii doonaya inuu soonka isku daboqabtaa ha sameeyo ilaa suxuurta)).

Soonka oo laysku daba qabto ilaa waqtiga suxuurtuna waa banaanyahay,
hasayeeshee sida sunnaha waafaqsan ee Rasuulkuna ﷺ inagu dhiiriyay waa in afurka la dadajiyo wuxuu yidhi: ﷺ

((Dadku khayr ayey ku sugnaan inta ay afurka dedejiyaan)).

Waxase uu u banneeyay inay soonku isku dabaqaban karaan markay ku
yidhaahdeen Rasuulkii Ilaahayow adiguba waad isku daba qabataa soonka, wuxuu ku yidhi:
(( Anigu sidiina ma ihi)).

   Sh. Ibnu Cusaymiin aun

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *