su,aal..
Asc sheekh waxa Ana aqal galay xili ramdaan ah waxaana na dhex marey iniga iyo ninkeyga jimaac/galmo weliba in ka badan hal mar, ee sheekh maxaad nagula talineysaa ee aan ka aheyn in labo bilood oo is xig-xiga maalmahood in la soomo mooyee mida kale kafaarada ma labadayada baa nagalka rabaa mise ninka bes?
Jawaab…
Ee nebigeena ﷺ sida ku sugan labda kiteeb ee saxiixeynka ninbaa u yimid markaasu ku yidhi rasuulkii ilahaayow waan halaagsamey wuxuu ku yidhi maxaa dhacay wuxuu yidhi ramdaan anoo sooman baan xaaskeyga u galmoodey, kedibna nebigu ﷺ wuxuu ku yidhi ma heli kartaa qoor/adoon aad xoreyso wuxuu yidhi maya, laba bilood oo isku xigta soon wuxuu yidhi ma kari karo, wuxuu ku yidhi lixdan miskiin quudi waxba ma haysto buu yidhi waxaan wax ku quudiyo ma hasyto, wuu iska fadhiistey markaa ka dib baa nebiga ﷺ waxaa loo keenay dhibniil ay timir ki jirto wuxuu ku yidhi nebigu ﷺ qaad oo sadaqeyso, wuxuu yidhi yaan ku sadaqeystaa oo reerkeyga uga baahi badan, magaalda madiina qoyskeyga cid ka baahani ma joogto, kedibana nebigu ﷺ wuxuu ku yidhi reer kaaga ku sadaqeyso, xadiiskaa waxaa laga qaadanayaa sida qur’aankuba sheegay galmada iney soonka jebiso,
waxaana ku waajibaya cidii galmo soonka ku jebisa ramdaanka waajibka ah 1. Inuu qoor/adoon xoreeyo, haduu kari waayo ama aaneyba adooni jirin sida hadeer oo kale 2. Labo bilood oo isku xigta inuu soomo weye oo uusan hal maalina afureyn oo u dhaxeysa, cida kari weydey labo bilood soonkooda oo awood u weydey ayey markaa u talaa inuu 3. Lixdan miskiin quudiyo,
markaa dhalinyaro baa tihiin sida idinka muuqata ramdaan baad aqal gasheen waad isu galmooteen soonkii baad jabiseen xal aan aheyn inaad labo oo isku xigta ramdaan markuu dhamaado aad soontaan xal aan aheyn ma jiro maxaa yeelay cunto siinta iyo quudinta lixdan miskiin waa dadka kari waayey oo soonka awoodi waayey amaa hadaad awoodi karto waa in aad labo bilood oo iski xigta soonto sidaas buu nebigu ﷺ ku tilmaamey.
Yey waajib ku tahay kafaaradu, ninka horta waajib bey ku tahay sida ku cad axadiista iyo ijmaaca haweenaydna waajib bey ku tahay maadaama ay mudaawica tahay oo iyadu ninka isu dhiibtey oo uusan khasbin iyadana kafaaarda waa laga rabaa sida culimadu ku ijmaaceen.
Galmooyinka dhowrka ah ee ay sameeyeen ma hal kafaaro baa ka waajibeysa! Maya maalin kasta oo ay galmo ku jabiyeen kafaaro ka waajibeysa, hadey intey galmo ku afuureen iyagoo afuran ay maalinkaa dhowr galmoo kale sameeyeen hal kafaaro weye, laakiin hadii ay dhowr maalmood oo kala dambeeya ay galmooyin ku jebiyeen, maalin waba kafaaradeeda bey leedahay hadey sadex maalmood jebiyeen waxa lagaa rabaa meeqa! Meeqa bilood? Lix bilood baa laga rabaa markaa alle haydin fududeeyo.
Alle ayaa og
Sheekh maxamed cabdi umal XFHA