waa maxay xukunka lacgta youtube ku bixiyo?

Su.aal?

Youtube ayaan isticmaalaa ruwaayado iwm ayaan soo geleyaa markaa sheekhow lacagta aan ka helo youtube kaas maxay diintu ka qabtaa?

Jawaab….

 youtube ka lacagaha laga helo horta marka hore waxa ay u baahan yihiin inaad fahanto waxa lagagu siinayo, aduunakan maanta joogaayi ma jirto wax liyaadhahdo bilaash, wax bilaash leysga kaa siiyey ma jirto, mujarad youtube baa kuu furan dad baa kugu xidhan ee lacgtaasi waa sadaqo ma jirto wax la yidhaahdo, waxba jira lagugu siinayo, waxa lagugu siinayo wax weeye youtube kaaga marka aad u furto in wax lagu xayaysiisto oo kambaniyadaas aduunku ay wax ku xayaysiistaan markaasaa ^ dad badanna ay kugu jiraan^ dadkaas badan ee kugu jira ayaa taargatku yahay in xayaysiintu gaadho, adigana xoogaa yar laguu tuuro dayib, sidaas markaad u fahanto, waxaa xayaysinta ee ka baxaya telefishinada ama shirkaduhu ay xayaysiisanyaan hadaad is weydiiso oo aad tidhaahdo waxaasi ma xalaal baa jawaabtu waxa ay noqoneysa in badan oo ka mid ahi waa xaaraan! Khamraa lagu xayaysiinayaa naago qaaqaawan baa isku xayaysiinaya waxa lagu xayaysiinayaa daroogo waxaa lagu xayaysiinayaa wax ilaaahy xarimay waxaa lagu xayaysiinayaa wax kasta oo munkar ah, adiga youtubkagiina buu marayaa waxa aad wax ku hesheyna waxaas buu noqdey, markaas waxa ay noqoneyaaa sharka iyo xumaanta kuwii faafinayey baad ugu kaalmeysey, kaalmeyntaasina waa xaraam, 

ولا تعاونوا على الإثم والعدوان 

Danbii socda iyo xad gudub kaalmo haka geysanina buu alle yidhi hadii ficilkaa la xarimay wixii kugu soo galana waa xaaraam marka, 

إن الله اذا حرم شيا حرم ثمنه 

Buu nebigu yidhi ﷺ shay hadii alle xarimo lacagtiisana waa xaarameyaa saas daraadeed youtube ka iyo internetka wixii kaga furan oo qaabkasi waxa kugu soo galaan kuli waa xaaraan weye, sababtoo ah qaabka waxa lagugu siinayo ama ay kugu soo gaadheyso ayaa ah qaab shareecada khilaafsan, Alle ayaa og. 

Sh. Maxamed cabdi umal XFHA. https://somaaliweb.com/waa-maxay-xukunka-qofka-maalinta-ramadaan-galmo-la-yimaada/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *