Waa maxay xukunka in gabdho cunto daawooyin joojinya dhiiga caadada?

Su.aal Waa maxay xukunka in gabdho isticmaasho ama cunto daawooyin joojinya dhiiga caadada bisha ramadaan si ay u dhameysato bisha oo dhan?

📄 #Jawaab : wax dhib ah kuma sugna in gabdho ay qaadato kiniinyo kuwaas oo ka joojinya dhiiga caadada si ay dadka ula tukato, dadkana ula soonto,

Laakiin waxaa ku xidhan shardi kaas oo ah in aanu kiniinkaasi wax dhibaato ah ku keeneyn caafimaadkeeda, iyada oo lagala tashanayo dhakhtarka, iyo in ay isla gartaan/ waafaqaan ninkeeda, si aaney u dhibin nafteeda, iyo si aaney u caasiyin ninkeeda,

hadii uu arinkaasi ku suurto galo in lagala tashaday dhakhtarka iyo in laga nabad qabo inaanu wax dhibaato ah oo caafimaad keeneyn, wax dhibaato ah kuma jirto in la isticmaalo, sidoo kale ayaamaha xajjka waa la sameyn karaa.

SH. IBNU BAAS AUN.

sidoo kale sheekh ibnu cuseymiin waa uu diidey, isga oo u cuskanaya caafimaadka gabdha iyo in raali lagu noqdo laguna sabro qaddarka alle sababtoo ah alle ayaa u qoray in dhiig caadada ay hesho gabdhu,

halka sheekh ibnu baas ogolaaday, tii la saxan iyada ayaa qaadanaysa gabadhu.

Halkan ka akhriso iyadoo soomali ah tan sheekh ibnu cuseymiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *