waa maxay xukunka hadii ilmaha yar ee aan qaan gaadhin uu soomo?

Su’aal: Ilmahayga yar ayaa ku adkaysta inuu soomo Ramadaanka, inkastoo soonku dhibayo yaraantiisa iyo caafimaad daradiisa awgeed, hadaba ma ku qasbaa inuu afuro?

Jawaab: Haddii ilmaha yari aanu qaangaadhin soonku kuma waajiba,
hasayeeshee hadduu awoodo soonka tiiyoonay dhibi ka soo gaadhayn waxa
banaan in lagu amro,

saxaabaduna Allaah ha ka raali noqdee caruurtooda ayay soon siin jireen illaa ka yari uu ooyo, waxayna siin jireen wuxuu ku ciyaaro si uu ugu maararoobo,

hayeeshee haddii la arko inuu soonku dhibayo waa in loo diido. Allaah wuxuu inaga manciyay inaynu caruurta siino maalkooga haddii looga baqdo inay fasahaadiyaan (lumiyaan),

sidoo kale waxa mudan in soonka laga
manciyo haddii laga baqdo inuu jidhkooga dhibayo, hayeeshee waa in looga manciyo si aan qalafsanayn, waayo marka la tarbiyadaynayo ma banaana in sidaasi loola dhaqmo caruurta.

Sh. Ibnu Cusaymiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *