Su,aalo soomka dumarka ku saabsan.

1;- Goormaa ayaa gabadha soomku ku waajibaa ?

J: gabadha soomku wuxuu ku waajibaa marka calaamadahan wax ka mid ah laga helo.

  • inay gaadho da,dii qaangaadhka oo ah 15 sanno.
  • in timo ay kasoo baxaan xubinkeeda taranka hareerihiisa.
  • in uu ka yimaado dhiigi caadada ee loo yaqaanay (xaydka), sidoo kalle biyihi manida.

Goortii ay gabadhu iska hesho intaa aynu soo sheegnay mid kamida,xataa haday jirto 10 sanno, soomku wuu ku waajibayaa, sababtoo ah gabdho badan dhiigu waxaba uu kaga yimaadaa iyagoo jira 10 sanno ama 11 sanno.

qoyska gabadha markaa waxa laga yaaba inay u maleeyaan soomku inaanu waajiba ku noqonayn gabadhaa, kadib uma diraan soom.

gabadhu haday xaydo waxay gadhay booskii ay noqonaysay mid axkaamta laga rabo, oo cibaadooyinkuna ay ku waajibayeen.

2: sidee loo niyaysan soomka …?

J:Niyadu waa inuu qalbigo go,aansado inuu soomo, taasina waa mid qof kastoo muslim ah laga rabo kaaso og inuu ilaahay bishan inagu waajibiyay in la soomo. waxaa niyadu qofka ugu guntamay -la hoyashada niyada-inuu habeenkii is garadsiiyo faralkan, naftiisana ku laasimiyo inuu soomo,sidoo kalle inuu naftiisa ugu sheekeeyo inuu beri soomaayo.

hadii aanu qofkaasi haysan wax cududaar ah oo ka baajinaya sooomka,sidoo kalle la hoyaatanka niyada waxaa kaga filan niyada cunistiisa suxuurta, laakin niyada ku dhawaaqi maayo soom iyo cibaado kaleba,sababtoo ah niyada booskeedu waa qalbiga,inaanu niyaysan maalinka ramadaan afur waxay ka dhigantahay inu niyaysan yahay soomki.

3: Maxaa la gudboon inuu sameeyo qofka sooman…?

J: waxa ku waajiba qofka inuu badiyo cibaadooyinka, kana dheeraado dhamaan waxyaabaha laynaga reebay, uuna ilaaliyo waaJibaadka kana fogaado waxyaabaha laga xaaraantinimeeyay.

waxa looga baahnayahy inuu salaadaha faralka ah ku tukado jamaacada wakhtigeeda uuna ka tago beenta, khiyaanada, ribada,iyo is daba marinta, hadal kasta iyo ficilkastoo xaaraanana ka dheeraado.

nabigu wuxuu yiri:-( qofkaan ka tagin makhaanti beenaadka iyo ku camal falkiisa, ilaahay wuxuu dan ka leeyhay ma jirto katagistuu ka tagay cunistiisa iyo cabistiisa) <<bukhaari>>

4: Xukunka qofkii afura ramadaan cududaar la,aan…?

J: qofkii afura ramadaan isagoo aanan haysan wax cududaar sharciya, waxa uu la yimi danbi kamida danbiyada waawayn, laakin ma gaaloobayo sida ay culimada udhow saxda masaladaasi sheegeen, waxaana looga baahanyahay inuu ilaahay u toobad keeno soona qaleeyo maalinkaa uu afuray, waxaana laga rabaa hadii uu qalaynta dib u dhigo oo ramadaantii kalle ugusoo gasho isagoo aan qalayn inuu maalimihii lagu lahaa qaleeyo isagoo malin walba oo maalmaha kamida quudinaya miskiin.

5: Qofkii maalin ramadaan afura kadib toobad keena malaga aqbalayaa…?

J: Haa

6: Qofku haduu soomo isagoo aan salaad tukan soomkiisu ma ansaxayaa…?

J: sida saxda ah qofku hadaanu salaada tukan si badheedh ah oo cadna uga tago waa ku gaaloobaya, soomkiisa iyo cibaadooyin kallena u ansaxi maayan ilaa uu toobad keeno ilaahayn usoo laabto.

7: Xukunka qofka sooma,salaada bisha ramadaan oo kali ah.?

J: salaadu waa rukni arkaanta islaamk ka mid ah, waana ta ugu adag aarkaanta marka laga yimaado shahaadada, waxayna ka mid tahay cibaadooyinka qof walba gaarkiisa ugu waajiba.

qofka ka taga isagoo diidaya waajibnimadeeda oo leh waajib iguma ahana ama ka tagaya salaada caajisnimo iyo hawl yaraysi waa gaal.

markaa qofka sooma, salaadana bisha ramadaan oo qudha xumaan baa usugnaatay qoloyiin alle yaqaan ramadaan kaliya, soomkoodu ansaxi maayo kuwaa maadaama ay ka tageen salaadi bilihii kalle oo aan ramadan ahayn,

8: Qof xanuusanay oo afuray maalimo bisha ramadaan dhexdeeda ah,oo awoodi waysay in ay qalayso xanuun awgii,maxaa laga rabaa.?

J: uma banaana gabadha uurka sida ama naas nuujinaysa inay maalinka ramadaan afurto iyadoo aan cududaar haysan, hadii ay cududaar u afuraan waxaa ku waajib ah inay soo qaleeyaan, siduu alle wayne kitaabkiisa ku xusay.

Hadii ay u afuraan inay u baqaan cunuga,waxa laga rabaa inay soo qaleeyan.

9: Gabdhu hadaanay ka qobaysan dhiigi xaydka ama dhalmada markii uu ka go,ay subaxii kahor soomkeedu ma ansaxayaa ?

J: haa gabdhaa soomkeedu waa saxiix,hadii uu dhigu subaxa ka hor uu ka go.o soomtona iyadoo aan maydhan ilaa qorrax soobax kadib maahine, sidoo kalle qofkii jinaabada qabayna waa lamid.

10: Hadii ay gabadhu dhiiga ka daahirto subaxa kadib maxay samayn..?

J: dhiigu haduu gabdha ka go.o subaxa kadib (marka aadaanka labaad la adamo),ama qorraxdu markay soo baxayso ka hor, gabadhaas soomkeedu ma ansaxayo, waxaana laga rabaa inay afurto maalinka hadhowna dib kasoo qalayso.<<ibnu cusaymiin>>.

11: Gabadha hadii dhiiga dhalmadu uu ka go.o afartanka casho ka hor soom lagu leeyahay..?

J: haa, gabadhu haday ka daahirto dhiiga dhalmada 40 ka ka hor waxaa ku waajibaya soomka iyo salaadaba, ninkeedana waxaa u banaan inuu u galmoodo, sababtoo ah waa daahir kumana sugna wax udiidaaya inay soomto ayna tukato.<<ibnu cusaymiin>>.

12: Hadii dhiiga dhalmadu gabdha uu wiig kaga go.o kadib ay soontu uu dib ugusoo laabto dib ma usoo qalaynaysa maalmihi ay soontay..?

J: hadii ay gabdhu ka daahirto dhiigi dhalmada iyadoo 40 ka ku dhex jirta soomkedu waa saxiix, hadii uu dhiigi kusoo laabto waa inay ka tagtaa soomka iyo salaadaba ilaa inta ay ka daahirayso ama ka dhamaysanayso 40 cisho, marka ay dhamaysto 40 ka waxaa ku waajiba inay qobaysato yaysanba arkin daahire, sababtoo ah 40 ku waa meesha uu ku dhamaado dhiiga dhalmadu hadalka culimada ugu saxasan masaladan siday sheegeen, waana inay u weesaysataa salaad kasta wakhtigeeda ilaa intuu dhiigu ka go.ayo waa hadii uu wali socdo (waana sidii uu nabigu faray gabdhii dhabar furanka)ninkeedana waxa u banaan inuu ku raaxaysto 40 kadib. <<sh.inu baaz>>

 13: Qobayska jinaabada in loo dib dhigo qorrax soo baxa ma banaan tahay ?

J: haday gabadhu daahir noqoto subaxa ka hor,waxa laga rabaa inay soomto, wax u diidayana ma jirto inay maydhashada dib dhigtoo ilaa qorrax soo baxa kadib, laakinsee waxaa loo baahnyahay inaanay maydhashada dib udhigin haday karayso oo ay qobaysto si ay ugu tukato salaadii subax wakhtigeedi, sidoo kalle ninkii waxaa looga baahanayahy inuu ka qobaysto jinaabadii qorrax soo baxa ka hor si uu ugu gaadho salaad subax jaamacadii. <<sh.ibnu baaz>>.

14:Gabadhii haday isku aragto dhibco dhiiga bishii ramadaan,bishoo dhana ay dhibcahaaasi la socdaan soomkeedi maka jabayaa…?

J: soomkeedu waa ansxaya oo ka buri maayo dhibcahaasina waxba yeeli maayan waxa laga yaaba inay yihin xidido dhiigood.

cali binu abii dalib ayaa wuxuu yiri: (dhibcaha usocnaya sida gororka sanka maaha xayd).<<sh.ibnu cusaymiin>>.

15: Xukunka gabadha dhiiga xaydku helay ama dhiiga dhalmada quraanka ma aqrin kartaa iyadoo kitaabka ka fiirinaysa..?

J:dhib malle gabadha dhiiga xaydku helay ama dhiiga dhalmada quraanka inay aqriso iyadoo kitaabka aanay taabanayn, kana xifdinaysa iyadoo ay u kenayso arinkaa baahi sida: waa macalimad ama quraankay barataa ama wardigeeda maalinlaha ah baanay ka maar mayn.

Akhriska quraanka ajarka ay gabdhu ka doonayso waxaa fiicaan inaanay akhrin mudada ay dhiigaga ku jirto, sababtoo ah culimada badi waxay qabaan inaanay xalaal u ahayn gabdha dhiigaga xiligooda ku jirta inay quraan aqriso. <<sh.ibnu cusaymiin>>

16:  Gabadhu xabuub ma isticmaali kartaa ( dawada dhiiga celisa) iyadoo sooman ?

J: waxaa haboon gabadhu inaanay isticmaalin xabuubta, ayna ku sugnaato wuxuu alle uqoray, sababto ah meertada gabdha ku imanaysa oo dhiiga ah waa waxuu alle xikmad ka leeyahay taaso gabdha ku munaasib ah, hadii ay isticmaashona waxa aan shaki ku jirin inay dhib uga timaado xaga jidhka, arinkaasi waa hadaynu ufiiirno dhibaatadeeda xataa xaga ilama galeenka siday dhakhaatirtu sheegtay, gabdhuna inay ilaahay wuxuu u qadaray ay ku mahadiso haduu dhiigu ka yimaadona ay afurto oo dib ka qalayso, haduu ka go.ona ay soomto.<<sh.ibnu cusaymiin>>.

17: Gabadha raali kaga noqota ninkeeda inuu jimaaco iyagoo sooman….?

J: gabadhu haday Raali kaga noqoto ninkeeda inuu jimaaco ama ayba kadalbato galmo maalinka Ramaadaan iyagoo sooman waxa ku dhacaya arimahan :

  • soomkeedi wuu kaburay maalinka.   
  • waa inay soo qalaysaa hadhow ramadaan kadib.
  • waxaa laga rabaa kafaaro oo ah: adoon inay xorayso hadaanay awoodin, labo bilood oo xidhiidha inay soomto aan Ramaadaan ahayn, hadaanay awoodin inay 60 miskiin quusido midkiiba siiso 2 xantoobo ama sacab cuntada meesha laga cuno sida bariiska daqiiqda IWM.

BARAARUJIN:- soomkaanu ka hadalayno waa kii waajibka ahaa.

18:Qofka sooman ma isticmaali karaa cadarada urta leh maalinka ramadaan ?

J: dhib malle qofku haduu isticmaalo maalinka ramadaan cadarada urta leh maadaama urta cadarka aan layska soo celin karin ama la sandaarsan karin.<<sh.ibnu cusaymiin>>

19:Matagu soomka ma jabiyaa ?

J: Soomka majabiyo matagu hadaanu qofku isagu iska matajin, waati uu nabigu yiri: << qofka uu soo jiidho matago qale lagu malle, qofkii iska keenan qala lagu leeyhay).<<sh.ibnu baaz>>

markaa hadaad mataga iska keento soomkaagi waka burayaa,hadii kalle maya.

20: Irbadu soomka ma jabisaa…?

J: irabada labo ayaynu u kala qaadaynaa :

  • Mid cuntada lagaga maarmo oo cunto ahaan loo qaato, taas qofka way afurinaysa meeshu doono haka qaate.                                                                               
  •     irbad aan loo qaadan cunto ahaan, aan looga maarmin cunto, iyadu ma afurinayso, waxaa markaa u fiican qofka inuu habeenkii qaato iraabta.<<sh.ibnu cusaymiin>>.

21: koolgaytu(dawada cadayga) soomka ma jabisaa?

J: in lagu nadiifiyo ilkaha dawada goolgaytku soomku kagama jabo qofka sida cadaygoo kalle, waxaana laga rabaa qofku inuu iska ilaaliyo inay gudaha wax uga gudbaan hadii ay wax ku baxsadaan oo aanu u kasin (u la kac u sameen) wax qalle ah laguma laha, sidoo kalle waxaa lamida indha kuusha iyo dhegta dawada lagu shubo.

hadalka saxda ah ee culimada sheegtay masaladaas waa hadii uu dhadhansado dhibcihii dhagaha lagag shubaayay ama isha, sida fiicani waa inuu soo qaleeyo laakinsee qalahaasi waajib kuma aha, sababtoo ah malahan dhagaha iyo indhuhu meel ay uga furan yihiin cunaha iyo afka.

laakinsee dhibco in laga qaato afka soomka waa burinaysaa. <<sh.inu baaz>>

22: Xinuhu soomka ma jabiyaa ?

J: isticmaalka xinaha qofku intuu sooman yahay soomkiisa waxba u dhimi maydo,sida; indha kuusha,iyo dawada dhibcaha ah ee dhagaha,dawada indhaha oo kale. <<sh.ibnu cusaymiin>>

23: Gabadhu cunto ma dhadhamin kartaa iyadoo sooman ?

J: dhib malle dhadhamiska cuntada hadii ay baahi keensato,inuu ku dhadhamiyo dacalka carabka si uu u ogaado macankeeda ama dhanaankeeda,laakin waxba ka laqi maayo ee waa iska tufaya,soomkiisana waxba u dhimi maayo, oo waa saxiix.

24: Qofkii cuna ama caba isagoo ilawsan soomkiisu ma jabayaa ?

J: qofkii cuna ama caba isagoo sooman soomkiisu waa saxiix, laakin hadii uu xasuusto waxaa ku waajiba inuu tufo, xataa hadii ay luqamdu ama kabashadu afkiisa ku jirto.

xadiiska u nabigu yiri baa ina tusinaya : (qofkii ilaawa iasgoo sooman, kadib cuna ama caba soomkiisa hayska dhamaysto sababtoo ah alle ayaa quudiyay oo waraabiyay). Hadii uu qof arko isgoo qof kalle cunayo ama cabayo waxaa loo baahanayhay inuu ka qabto oo uuxasuusiyo. <<sh.ibnu cusaymiin>>

25: Malaga qabanaya cunista ama cabista qofkii is ilaawa cuna oo caba ?

J: haa. sababto ah waa xumaan.

waxaa lagaaga baahnyahay qofkaa inaad xasuusoama aad ka qabato. nabigu sallahu calayi wasalam wuxuu yiri: (qofkii xumaan arka oo idinka mida gacantiisa haku suuliyo(wax hakaga qabto), hadaanu awoodina carabkiisa,hadaanu awoodina qalbiga haka naco,taasina wa imaanka meshi ugu hoosaysay.)

Akhri https://somaaliweb.com/wp-admin/post.php?post=184&action=edit

Telegramhttps://t.me/DARIIQA_JANADA

3 Comments on “Su,aalo soomka dumarka ku saabsan.”

  1. M.allaah ilaah kaa abaalmariyo wax badan kafaa’iday wllhi.

    Teesa kale qofka sooman asagoo anan wayso qabin kitabka qur’anka hadii uu qaado soonkiisa maburayaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *