Soon laguma leh qofka aan shuruudan buuxin

1_Muslim, Hadduu gaal yahay soom kama ansaxayo.

2_Qof weyn, kuma waajibo qof aan qaan gaarin, waxana ina tusinaya xadiiskan

(…..حديث علي رضى الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم (فِع القلمُ عنْ ثلاثةٍ عنِ الصغيرِ حتى يبلُغَ 

Waxaa wariyey Abuu Daa’uud xadiiska Cali Eebbe haka raalli noqdee, nabiga sallallaahu calayhi wasallam, (waxaa qalinka laga qaaday saddex, waxaana kamid ahaa, kan yar illaa uu ka qaangaaro……)

Laakiin waxaa suna ah in caruurtu lagu carbiyo soonka. Sida ku cad xadiiskan

عن الرُّبَيِّع بنت مُعوِّذ رضي الله عنها قالت:- ( فكنَّا نصومه بعدُ، ونُصوِّم صبياننا، ونجعل لهم اللعبة مِن العِهْنِ، فإذا بكى أحدهم على الطعام أعطيناه ذاك حتى يكون عند الإفطار) متفق عليه

Rubayyac bintu Mucawwad, Ilaahay haka raalli noqdee waxay tidhi “waannu soomi jirnay caruurteenana waanu soomin jirnay waxaanuna uyeeliwax lagu ciyaaro oo soof ka samaysan, markuu midkood cuntada ku ooyo waxasanu udhiibi jiray ilaa afurka”. bukhaari &muslim
Iyagoo yar ayay caadeysteen inay soomaan ilaa ay quluubtoodu ku dhegganaato oo ay la qabsan jireen markay qaangaadheen.

3_ Caqliga: Qofka waalan lagama rabo inuu soomo. waxan ina tusinaya xadiiskan

حديث علي رض الله أن رسول الله – صلى الله عليه وآله وسلم – قال : ” رفع القلم عن ثلاث ، عن المجنون المغلوب على عقله ،وعن النائم حتى يستيقظ ،وعن الصبي حتى يحتلم

Cali Alle haka raalli noqdee, wuxuu yidhi; Nabigu sallahu calayhi wasalm wuxuu yidhi:
( Saddexdii ayuu qalinkii ka qaaday oo xusay iyagii iyo kii waalanba ilaa uu ka miyirsado).
Abuu Daa’uud.

4_ Karti, Soonku kuma waajibo qofka buka ee aan u adkaysan karin soonka ama aan awoodin.
Wuu afuraya ka dibna wuu soo qalaynayaa intaa ka dib.
Haddiise ay tahay xanuun daba-dheeraaday oo soomi kari-waayey ama u adkaysan-waayey, waa in uu afuriyaa oo uu maalin kasta quudiyaa hal miskiin, siiyona 1killo iyo badh cuntada meesha laga cuno maalin walba sida bariis iwm, hadii uu afuriyona way ka guday.

sidoo kalle waxaa bixinaya intaa aynu soo sheegnay odayga da’da ahaa iyo islaanta weyn oo aan awoodin in ay soomaan.
Waxay afurinayaan oo maalin walba quudiyaan hal miskiin

HAWEENAYDA UURKA LEH IYO TAN NUUJINAY

Sidoo kale, haweeneyda uurka leh ama naaska nuujinaysa haddii ay ka baqaan ilmaheeda inuu lumiyo ama ay naftoodu bakhtiyaan, waa inay afuraan.
Waxayna quudiyaan hal miskiin maalin walba.
Waa hadalkii ibnu Cumar iyo ibnu Cabbaas Ilaahay haka raalli noqdee, Imaam Ibnu Qudamah allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: “Ma jiro qof asxaabta ka mid ah Ilaahay raali haka ahaadee oo la og yahay inuu khilaafo. iyaga .”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *