Riyada ugu runta badan ogow ?

Riyda ugu runta badani waxay dhacdaa wakhtiga suxuurta, wakhtiyada ugu runta badanina waa wakhtiyada ifka iyo wakhtiyada ay midhu soo baxaan,wakhtiga jiilaalka, riyada maalinku iyadaa ka xoog wayn riyada habeenkii, waxaa dhici karta asalka riyadu inay is badasho iyadoo isla badalaysa noocyada dadka,diimahooda,qadaradooda oo ay mid u noqoto cadaab mid kalena raxmad.

waxyaabaha lala yaabo waxaa kamid ah nin baa riyo dhib leh arkaya wixii uu arkay si dhab ah bay ugu dhacdaysaa,ama khayr buu ku riyoonayaa khayrkii buu isagoo soo jeeda helaya, qaaarkood waxaa laga yaaba inay wilaayo ku riyoodan ayna dhab u helaan, qaari xaj ayna soo xajjiyaan.

Waxaa laga waramaa cumar binu khaddaab alle haka raali ahaadee inuu nin udiray meel siu u dadka ukala xukumo ninkii markii uu jidka maraayay ayuu soo noqday.  Cumar baa waydiiyay: maxaa kusoo celiyay

Ninkii: waxaan riyo ku arkay in ay qorrxada iyo dayaxa is dagaalayaan, qorrxda ay kamid tahay dayaxa dayaxuna uu kamid yahay qorraxda.

Cumar: kee baad adu la jirtay ?

Ninki: dayaxa.   Cumar ninkii wuxuu ku yiri; orod waxba hay qaban e isagoo akhriyay aayada (فمحونا آية الليل……الخ) maalinkii dagaalka siffiin ayaa cumar waxaa soo gaadhay ninkii inuu dilay ni reer shaam ah oo la odhan jiray “jaabir binu siciid addaa,I”.

<riyadii ninkaasi  -ooahayd qorrax iyo dayax isla dagaamaya- waxa ay noqotay  saxaabadii isku laysay dagaalkii sifiin ninkaasi qayb buu ka ahaa bal gacantiisa ninbaaba ku baxay oo uu dilay.>

RIYADII NABI AADAN

Alle ayaa u waxyooday nabi aadam wuxuuna ku yiri “aadamow waxaad aragtay abuurkaygii ma ka aragtay wax kuu eg, aadam wuxuu ku jawaabay: may rabigayow xaqiiqee waad I sharaftay waadna iga fadiltay dadkii, rabow waxaad iiyeeshaa xaas iisoo shabbahda oo aan ku xasilo, ku kali yeesha kuna caabudda aniga la jirkayga, markaasa alle yiri haa aadana hurdo kusoo tuuray kadibna xaawo ayuu abuuray alle isagoo ku abuuray suuradii aadan oo kalle, riyona aadan ku tusay, taasi waxay ahayd riyadii ugu horaysay oo arlada lagu riyoodo, aadan wuu baraarugay iyadoo fadhida madaxa aadan agtiisa.

Alle: aadanow waa tuma tan fadhida madaxaaga agtiisa ?

Aadan: rabiyow waa riyadii aad itusinaysay hurda markaan ku jiray.

RIYADII NABI IBRAAHIM

Nabi ibraahim ayaa wuxuu ku riyooday isagoo inankiisa gawracaaya, markii uu hurdada kasoo kacay ayuu wuxuu ku riyooday fartoomay alle isagoo quraaankiisa kaga warammaya aadan wuxuu ku yiri inankiisa  

(فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ السَّعْيَ قَالَ يَا بُنَيَّ إِنِّي أَرَىٰ فِي الْمَنَامِ أَنِّي أَذْبَحُكَ فَانظُرْ مَاذَا تَرَىٰ ۚ قَالَ يَا أَبَتِ افْعَلْ مَا تُؤْمَرُ ۖ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّهُ مِنَ الصَّابِرِينَ)

<<Cunugaygow waxaan riyo ku arkay anigoo ku gawracaaya side u aragtaa, ismaacil wuxuu yiri aabe samee waxa lagu amraayo waad I helidoonta alle haduu yadhi anigoo kamid noqoday kuwa sabray>>.

Ibraahim markii riyadii uu arkay inankiisana usheegay wuxuu juhdigiisa ku bixiyay siu u u fuliyo riyadaas, cunugiisa intuu dacal u lagday oo u diyaariyay gawrac ayaa alle u dhawaaqay booskiisiina ku badalay wan.

Waxaynu halkan ka sii wadaynayaa riyada malaa,igata

MALAA,IG SUURAD DUMAR HADUU KU ARKO

marka uu riyada ku arko malaa,igta qaab dumar iyago ah alle ayuu qofkaasi been usheegayaa sida uu alle quraankiisa ku sheegay kuwii ku tilmaamay malaa,igta gabdho, hadii uu arko isagoo malaa,igta la duulaya sammada ama lafulaya sammada oo aan soo laabanna  qofkaasi wuxuu gaadhaya Sharaf aduunyada kadib wuu shahiidayaa.

riyooduhu haduu ku riyoodo isagoo ismoodaaya inuu eegaayo malaa,igta waxaa ku dhacaysa masiibo, hadii uu arko malaa,igta  oo nacdalaysa waxa ay ku tusinaysaa qofkaa diintiisu inay liidato, hadii uu koox malaa,ig ah ku arko meel magaalo aha ama tuulo ah waxaa dhimanaya caalim meeshaas ku sugan ama nin saahid ah ama qof waxa lagu dilayaa Meesha qof la dulmiyay ama daar baa qolo ku dumaysa.

marka uu arko malag ku leh akhri kitaabka ilaahay qofkaasi haduu kamid yahay dadka wanaagsan masiibo ayaa ku dhacaysa iyo shar, hadii uusan ahayn dadka khayrka qabana ha digtoonaado, hadii u uku arko malaa,igta goob ay fardo joogan alle ayaa halaagay meeshaas, hadii uu arko shinbiro duulaaya oo aanu garanayn noocooda waa malaa,ig goob kuwo daaalimin ah ku ciqaabaysa.

 Qofku haduu ku riyoodo malaa,igta acmaasha qorta qofkaasi wuxuu gaadhayaa farxad iyo raynrayn aduunyada iyo aakhiroba waxaana lagu irsaaqayaa khaatimo wanaag haduu kamid yahay dadka wanaagsan, hadaanu ahaynna waa loo baqayaa.

Qaar culimada kamid ah riyada fasira waxay dhaheen qofku haduu ku riyoodo malag u eg suurad qof wayn waxay sheegay wakhti lasoo dhaafay, haduu ku riyoodo malag u eg suurad qof yarna waa wakhtiga la joogo, haduu ku riyoodo malag u eg suurad cunug waa wakhtiga mustqablka ah oo soo socda.

Hadii uu arko malaa,ig salaamaysa alle wuxuu siiya qofkaa aragti uu xaqa ku garto khaatimadiisuna khayr bay ku dhamaataa.

RIYADA LAGU RIYOODO SAXAABADA IYO RAABICIYIINTA

marka uu qofku ku riyoodo mid kamid asaxabada ama taabiiciyiinta ama dhamantood waxay ku tusinaysa diintiisu inay sarayso,qofka riyadaaas ku riyoodayna uu gaadhi doono sarayn iyo Sharaf, hadii u uku riyoodo waaba isagoo mid kamid ah iyaga qofkaas dhibaato iyo imtaxaan ayaa ku dhacay, kadib waxaa lagu irsaaqayaa guul, hadii uu dhawr jeer riyo ku Arkona maciishadiisa ayaa wanaagsanaanay.

qofka riyoonaya hadii uu arko abubakar alle haka raali ahaadee oo nool qofkaa waxaa lagu irsaaqaya deeq, naxariis iyo tudhaal uu u tudhayo adoomaha ilaahay.

Hadii uu cumar ku riyoodo alle haka raali ahaade waxaa lagu irsaaqa cisaynta diinta,hadal ka run sheegista, iyo in dadka uu masuulka ka yahay wanaag ka dheegi doonan.

Hadii u uku riyoodo cisman alle haka raali ahaade isagoo nool waxa lagu irsaaqaya qofkaas xishood iyo haybad.

Hadii u uku riyoodo cali binu abii daalib alle haka raali ahaade waxa lagu irsaaqayaa geesinimo,cilmi iyo suhdi.

Qofkii arka qaar kamid ah dadka wanagsanoo dhintay oo soo noolaaday magaalo magaalooyinka kamid ah dadka magaalka ku sugan waxay gaadhi doonaan barwaaqo,rayn rayn, farxad iyo cadaalad ay ka heli doonan ka waaliga u ah oo u taliya, xaalka madaxdoonu way wanaagsanaanay.

Xasanul basri ayaa ka sheekeeyay alle haka raali ahaadee inuu xidhay suuf kana duk xidhay maro adag lugihiisana qayd ku xidhay meel qashinan taagan, gacantiisa waxyaabaha musicada ah ku garacaaya, kabcdana ku tiirsan wuxuu yiri waxaan qisadaydii uga sheekeeyay ibnu siiriin marakaasu iyidhi: maradi suufka ahayd iyadu waxay sheegay suhdi, ama maradii adkayd waa awood aad diinta u yeelanayso.

https://t.me/DARIIQA_JANADA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *