RIYO NABIGA MA LAGU ARKI KARAA ?

Abu hurayra waxa uu nabiga kasoo wariyay inuu yiri:(qofkii igu arka riyo waxaa lamid yahay isagoo I arkay soo jeed sababtoo ah shaydaanku isuma kay ekaysiiyo) bukhaari & muslim.
Ustad abuu saciid wuxuu yiri : “alle maxamed wuxuu soo diray isagoo ah mid u naxariisanaya caalamka oo dhan, waxaa liibaan u sugnaatay qofka noloshiisa arka oo raaca, waxaa liibaan u sugnaatay qofka riyo ku arka haduu yahay qofkaasi mid daymaysan alle ayaa dayntiisa ka gudaya, haduu arko isagoo xanuusanaya alle ayaa caafinaya, haduu arko isagoo ah mid lala dagaalsan yahay alle ayaa bad baadinaaya, haduu arko isagoo faraxsan guriga ilaahay buu kusoo xajjinayaa, hadii latusiyo dhul abaar ahbarwaaquu noqonayaa, ama meel dulmi uu buuxsamay alle wuxuu ka yeelayaa meel cadaalad lagu maamulo, ama meel cabsi ku habsatay alle amni ayuu ugu badalayaa arimahaasoo dhan waxay imanayaan hadii uu nabiga ku arkay qaabkii uu ilaahay u abuuray.
Marka uu arko isagoo midab kalle leh ama xubnihiisa qaar ay dhiman yihiin arinkaasi wuxuu tusinaya ismoodsiin diineed oo meeshaas u uku riyooday ku sugnaanay, bidcooyin baa kasoo muuqan, hadii uu arko isagoo dhiigiisa cabayana jacayl awgii si hoose oo aan cidi ogayn waxa uu qofkaasi noqonaya shahiid, hadii uu arko isagoo aad moodo mid xanuusnaya kadib xanuunkiisi oo kasoo toosay dadka meeshaas ku sugan waxay noqonayaan kuwo wanaagsan fasahad dabadeed, hadii uu arko nabiga -sallahu calayhi wasallam- oo gaadiid saaran wuxuu soo booqanaya qabriga nabiga, hadii uu arko nabiga oo soconayana qabrigiisa ayuu soo boqonayaa isagoo soconaya, hadii uu riyooduhu arko nabiga oo taagan arinkiisa ayaa kaas toosaya iyo arinka ninka imaamka u ah muslimiinta wakhtiga, hadii uu arko isagoo ka adimaya meel kharaabsan booskaasi wuu camirmayaa.
HADII UU ARKO NABIGA OO DHINTAY
Hadii uu arko nabiga oo dhintay wuxuu qofkaasi dhimanay isagoo kali ah oo aan taran ka tagin, hadii uu ku arko nabiga janaasadiisa meel meeshaas masiibo wayn ayaa ka dhacaysa, hadii uu arko janaasadiisa oo lawaynaynayo iyo qabrigiisa oo lawaynaynayo qofkaasi bidco ayu uku dhacayaa, hadii uu arko inuu soo booqday qabriga nabiga wuxuu helaya qofkasi maal badan, haduu arko isgoo inanki nabiga oo kale ah anan duriyada nabigana kamid ahayn waxay tusinaysaa imaankiisa oo khaliis ah.
Haduu arko isagoo nabiga abihiis ah diintiisa ayaa daciifaysa, & yaqiintiisa. Haduu arko nabiga oo siiyay alaab aduunyo ku saabsan ama cunto ama sharaab waa khayr uu qofkaasi gaadhi doono. Hadii uu arko nabiga xubnihiisa oo xubin kamid oo ag taal qofka riyoonaya oo uuna difaacayo wuxuu ku suganyahay qofkaasi bidco diintiisa ah, isagoo kudhagay bidcada diinta inta kallena aan haysan.
QISADII ABUL WAFAA NINKI RIYADA KU ARKAY NABIGA
Nin reer mayaasiir ka mid aha oo xanuusanaya ayaa nabiga ku arkay habeen riyo wuxuu yiri waxaadba moodaa nabigu inuu igu yiri “hadii aad doonayo inaad caafimaado qaado maya maya, markii uu waagi baryay ayuu waxa uu sufyaan alsawri u diray 10,000 oo dirham kuna dhahay u qaybi dadka faqiirada & masaakiinta ah waxana uu ka codsaday inuu usoo fasiro riyadaas.
Sufyaan waxa uu usoo fasiray riyadii macnaheeda waxa uu ku yidhi:-“macnaha laga wado maya maya waa saytuun, sababtoo ah alle ayaa quraankiisa ku sifeeyay oo dhahay <<لا شرقية ولا غربيه>> faa,idada xoolahaagana masaakiinta u baahnayd, wuxuuna sufyaan ku yiri ninkii “isku daway saytuunka” alle wuxuu ninkii ku caafiyay barakadii isticmaalitaanka uu isticmaali jiray nabigu iyo amarida uu amray in la isticmaalo saytuunka.
RIYADA MALAA,IGTA
abuu saciid wuxuu yiri “riyo in lagu arko malaa,igta hadii ay tahay malaa,igtaasi mid lagaranayo bishaaraynaysana waxay ku tusinayasaa ina wax kasoo muuqan doono qofka ku riyooday, awood buu yeelan Sharaf mid usaaxiibana wuu noqon, waana bishaaro iyo gar gaar u helayo dulmi dabadii, xanuun cafimaad ka danbeeyo, baqdin aaminaad ka danbayso, faqiirnimo hodontinimo ka danbayso,dhib iyo kurbo laga faydaayo, waxayna keensan kartaa in qofka riyaada ku riyooda uu xajinayo kadib duulan qaadyo kuna shahiidaayo.
qofka riyoonaya Hadii uu arko isagoo jibriil & miikaa,iil la colaytamaya lana doodaaya waxaa ku dhacay ciqaab ilaahay saacad kamd ah saacadah, rayigiisa iyo fekerkiisuna markuu la doodaayo wuxuu waafaqsan yahay ka yahuuda ilaahay baynu ka magan galnaye.
Hadii uu arko isagoo jabriil ka qaadanaya cunto qofkaasi waa ehlu janno hadii alle uu doono.
Qofkii miikaa,iil arka calayhi salaam wuxuu gaadhaya mansab aduun iyo aakhiroba, hadii aanu ahayn qofkaasi qof alle ka cabsadana ha digtoonaado.
marka uu ku arko meel ama tuulo roobaysanyihiin dadkedu roob balaadhan, sicirka meeshaasina uu aad u jaban yahay, hadii uu malagu la hadlo qofka riyoonaya uuna wax siiyo qofkaasi wuxuu gaadhaya nimco iyo farxad malaguna waa malaga raxmadda.
Qofkii israafiil arka calayhi salaam isagoo suurkii qiyaamada afuufaaya uuna umaleeyo kaligii inuu maqlaayo cidkalena aanay maqlayn, qofka riyadaas arkay wuu dhimanayaa, hadii uu umaleeyo dadka meeshaas la joogay inay wada maqleen dadkaas waxaa ku dhici doona dhimasho baahsan, sidoo kalle riyadaas waxaa la sheega qofkii ku riyooda inuu dhex joogay meel dulmi ah oo isu badali doonta cadaalad.
RIYADA MALAKUL MAWTKA
Qofkii arka malakul mawtka isagoo faraxsan shahiidnimuu ku dhimanayaa, hadii uu arko isago waji tuban cadhaysanna tawbad la,aab buu ku dhimanayaa, hadii uu arko isagoo la lagdamaaya malakul mawtka kadib malakul mawtku lagdo wuu dhimanay, hadii isagu lagdona wuu ka caafimaadayaa geerida allena wuu bad baadinayaa, sidoo kalle waxaa la sheega qofkii arka malakul mawtka cumrigiisu inuu dheeraanayo.
Waxa lagasoo wariyaa xamsa sayyaad ninka la dhaho inuu yidhi “ waxan riyo ku arkay malakul mawtka markaasaan waydiiyay war malakul mawdow ilaahay baan kugu dhaariyay e alle agtiisa wax khayr ah ma ii yaalaan ? malagii: Haa arinkaasna waxaa u calamaada waxaad ku dhiman Meesha la dhaho xuluwaan, sidii bay noqotay.
markuu uu arko malag malaa,igta kamid ah oo ugu bishaaraynaya inan waxaa qofkaa alle ku irsaaqayaa inan caalim ah alle raali galiyay adeecayna, hadii uu arko malaa,ig gacmeheeda ku sida weel khudaar ku jirto wuxuu qofkasi dhimanaya isagoo shahiid ah.
Hadii uu arko malag malaa,igta kamid ah oo gurigiisa soo galay ha iska ilaaliyo qofkaasi in guurigiisa uu soo galo tuug, hadii uu arko malag malaa,igta kamid ah oo hubkiisa qaadanaya qofkaas waxaa ka tagay awoodiisa iyo nimcada uu alle ku irsaaqay waxa lagayaaba xaaskiisa inuuna ka tagayo.
Hadii uu arko malaa,igta oo goob ku sugan isna uu ka cabsnayo goobta fitno iyo dagaal baa ka dhacaya, hadii uu arko malaa,igta oo ku sugan goobta cadawgiisa wuu ka guulaysanayaa cadwgiisa, hadii uu arko iyagoo ku suujuudsan & rukuucsan meel agtiisa ah qofkaasi wuxuu gaadhaya amaan arinkiisuna waa sraynm, hadii uu arko isagoo malag la lagdamaayay dullinimo ayaa ku dhacaysa sarayn kadib.
Hadii uu arko malaa,igta oo kasoo hoobanaysa sammada iyagoo ku sugan qaabkii uu ilaahay u abuuray waxa uu alle sare marinayaa dadka xaqqa ku sugan ugana guulayna dadka baadilka ku sugan mujaahisiintiisa waaa u gar-gaarayaa.
here: https://somaaliweb.com/wp-admin/post.php?post=234&action=edit