MAALINKA JIMCE /NOW MORE ABOUT JUM,A

Sunset over desert with muslim mosque in the foreground. Focus on distant mountains
SABABTA MAALINKA JIMCE MAGACAAS LOOGU BIXIYAY

Marka koowad waxaynu mahadinaynaa alle xumaan ka hufnaaye.

marka labaadna waxaynu ku sallinaynaa nabigeena maxamed sallahu calayhi wasalam.

Jimce waxaa maalinkan loogu bixiyay : kulanka ay dadku ku kulmaan goobaha cibaadad , ama khayrka dhexyaal maalinkan badnaantiisa. <<qayluubi xaashiyadiisa>>.

Shirbiini sheikha la yiraahdona waxa uu ku sheegay sababta: inay maalinkaasi tahay maalin aadam abuurkiisa la kulmiyay, sidoo kalle culimadu waxay sheegta inay tahay maalinkii xaawo iyo aadam ay dhulka ku kulmeen, maalinkani waa maalinta ugu fadliga badan asbuuca.

MAALINKAN MAXAY KAGA SOOCAN TAHAY MAALIMAHA KALLE ?

عن أبي هريرة وحذيفة رضي الله عنهما قالا: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (أَضَلَّ اللَّهُ عَنْ الْجُمُعَةِ مَنْ كَانَ قَبْلَنَا، فَكَانَ لِلْيَهُودِ يَوْمُ السَّبْتِ، وَكَانَ لِلنَّصَارَى يَوْمُ الأَحَدِ، فَجَاءَ اللَّهُ بِنَا فَهَدَانَا اللَّهُ لِيَوْمِ الْجُمُعَةِ، فَجَعَلَ الْجُمُعَةَ وَالسَّبْتَ وَالأَحَدَ، وَكَذَلِكَ هُمْ تَبَعٌ لَنَا يَوْمَ الْقِيَامَةِ، نَحْنُ الآخِرُونَ مِنْ أَهْلِ الدُّنْيَا، وَالأَوَّلُونَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ، الْمَقْضِيُّ لَهُمْ قَبْلَ الْخَلائِقِ) رواه مسلم (856).

Abu hurayra wuxuu nabiga kasoo wariyay inuu nabigu yiri : (alle wuxuu ka lumiyay jimcaha cidii inaga horaysay, waxa yuhuuda u ahayd maalin jimce sabtida, halka nasaaradana axadu ay jimce u ahayd, markaasa alle ina uumay inaguna hanooniyay maalinka jimce, markaasa alle yeelay muslimka maalin ciid oo usbuuca ah oo jimce ah, yahuudana sabtida, nasaraadana axadda, sidaasay u yihiin kuwo inaga danbeeya xaga xisaabta malinka aakhiro oo inaga raacsanyihiin danbo, waxaanu nahay kuwa udanbeeya aduunyada una horeeya qiyaamada lana xukumi doono khalqiga ka hor) <<saxiixu muslim 856>>

imaamu nawawi wuxuu kasoo guuriyay sheikha la dhaho al qaadi inuu yiri ” sida muuqata waxaa lagu faral yeelay yahuud iyo nasaaro maalinka jimce, ayna ku ijtihaadaan helideeda si ay u ogaan sharciyadooda, kadib waxaa khilaafay ijtihaadkoo inay helaan maalinka jimce allena kumu san hanoonin maalinkan, markaasa alle umadda nabiga maxamed ku faral yeelay maalinkan umana doorin inay ijtihaadan waxay kadib ku gulaysteen fadligeeda, waxaa soo aroortay nabi muuse baray yuhuuda maalinkan farayna fadligeeda ayna kula doodeen inay malinka jimce sabtidu ka fadli badantahay: muuse waxa lagu yiri udaa maalinkooda, saasay ku khilaaafen markaa sabtida.

MAALINKA JIMCE NABI AADAN BA LA ABUURAY

وعن أوس بن أوس رضي الله عنه: عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: (إِنَّ مِنْ أَفْضَلِ أَيَّامِكُمْ يَوْمَ الْجُمُعَةِ، فِيهِ خُلِقَ آدَمُ عَلَيْهِ السَّلَام، وَفِيهِ قُبِضَ، وَفِيهِ النَّفْخَةُ، وَفِيهِ الصَّعْقَةُ، فَأَكْثِرُوا عَلَيَّ مِنْ الصَّلَاةِ، فَإِنَّ صَلَاتَكُمْ مَعْرُوضَةٌ عَلَيَّ)، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ، وَكَيْفَ تُعْرَضُ صَلاتُنَا عَلَيْكَ وَقَدْ أَرَمْتَ -أَيْ يَقُولُونَ قَدْ بَلِيتَ- قَالَ: (إِنَّ اللَّهَ عَزَّ وَجَلَّ قَدْ حَرَّمَ عَلَى الأَرْضِ أَنْ تَأْكُلَ أَجْسَادَ الأَنْبِيَاءِ عَلَيْهِمْ السَّلام) رواه أبو داود (1047)، وصححه الألباني .

Aws ibnu aws waxa laga soo wariyay inuu nabigu yiri 🙁 maalimihiina waxaa ugu fadli badan maalinka jimce, aadam baa la aburay, waana maalinkii uu dhintay, waa malinka suurka dhimashada la afuufayo, waa maalinka suurka 2aad -ee dadkoo dhan kusoo noolanayaan- la afuufaayo, badiya salligayga sababto waa laysoo bandhigayaa.

saxaabadii: nabigii ilaahayow sidee laguugusoo bandhigaya saligaanu kugu sallinayno adigoo baaliyoobay(dhintay oo baa,ba,ay)

nabiga: alle wuxuu ka xaaraantinimeeyay dhulku inuu cuno anbiyada jidhkooda alle nabad korkooda ha yeelee). <<abu daa,uud 1047>> albaanina waa saxiixiyay xadiiskaa.

Qaadi cayaad wuxuu yiri markuu xadiiskan sharaxaayay :- ” sida muuqata tirinta la tiriyay fadliga maalintan ku tusi mayaso in dhicida qiyaamadu ay tahay fadli ee waxay cadayn u tahay wax maalinkan dhacaaya oo arimo waawayn ah, iyo wixii dhici doonaba si uu qofka muslimka ahi ugu dag dago acmaasha saalixa ah uuna u gaadho darajooyinka raxmadda ilaahay.

FADLIGA MAALINKA JIMCE

1: DANBI DHAAF

  عن أَبي هُريرة رضي الله عنه أَنَّ رَسُولِ اللَّهِ ﷺ( قَالَ: الصَّلواتُ الخَمْسُ، والجُمُعةُ إِلى الجُمُعَةِ، كفَّارةٌ لِمَا بَيْنهُنَّ، مَا لَمْ تُغش الكبَائِرُ)  رواه مسلم

2: SALADA SUBAX EE JIMCAHA

Abu hurayra wuxuu kasoo wariyay nabiga inuu yiri :- (salaadaha shanta ah, jumce ilaa jimce kalle lagu gaadhayo, ramadaan ilaa ramadaan kalle, waxay danbi dhaafiid u yihiin inta udhaxaysa hadii aad ka fogaato dunuubta waawayn). <<saxiixu muslim>>

عن ابن عمر رضي الله عنهما قال: قال الرسول صلى الله عليه وسلم: (أفضل الصلوات عند الله صلاة الصبح يوم الجمعة في جماعة) رواه البيهقي في “شعب الإيمان”، “صحيح الجامع” (1119).

Cabdullahi ibnu cumar wuxuu nabiga kasoo wariyay inuu yidhi;-(salaado waxaa ugu fadli badan alle agtiisa salaada subax ee maalinka jimce in lagy tukado jamac). <<shucabul imaan. saxiixul jaamic >>

Waxyaabaha ay la gaar tahay salaada subax ee maalinka jimce oo xadiis nabiga ka sugan uu sheegayaa in la sunneeyo in imaamku dadka ku tujiyo rakcadda koowad suurada sajda rakcadda labaadna surada insaan. <<saxiixul bukhaari 851. muslim 880>>.

3: QOFKI DHINTA FITNADA QABRIGU KA BAD-BAADAA

Hadii uu qofku dhinto maalinka jimce ama habeenkeeda ilaahay wuxuu ka ilaaliya fitnada qabriga, waxana ina tusaya xadiiska uu nabigu sheegay:

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: (مَا مِنْ مُسْلِمٍ يَمُوتُ يَوْمَ الْجُمُعَةِ أَوْ لَيْلَةَ الْجُمُعَةِ إِلا وَقَاهُ اللَّهُ فِتْنَةَ الْقَبْرِ) رواه الترمذي (1074)،

Cabdullahi ibnu cumar wuxuu nabiga kasoo wariyay inuu yidhi; (qof muslim ah majiro oo dhinta maalinka jimce ama habeenka jimce ilaa haday dhacdo alle wuxuu ka bad baadiyaa fitnada qabriga.) <<sunanu tirmidi>> sh albanina wuxu ku saxiixiyay kitaabkiisa <<axkaamu al janaa,is>>

4: QOBAYSKA

عن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: ( غُسلُ يومِ الجمعةِ واجبٌ على كلِّ محتلِمٍ كغُسلِ الجَنابةِ) رواه ابن حبان 1229

عن أبي هريرة أن النبي الله صلى الله عليه وسلم قال: ((حقٌّ على كل مسلم أن يغتَسِل في كل سبعةِ أيامٍ يومًا، يغسل فيه رأسه وجسده)) رواه البخاري وسلم

Abu saciid al khudriyyi ayaa nabiga kasoo warinaya inuu yidhi: (qobayska maalinka jimce waajib buu ku yahay qof walboo gaadhay qarawga sida jinaabada looga qobaysta jimcaha loo qobaysan). <<ibnu xibbaan 1229>>.

Abu hurayra wuxuu kasoo wariyay nabiga inuu yiri :- (waxa laga doonayaa qof kastoo muslim ah inuu qobaysto 7 cishoba maalin, uumaydhayona madaxiisa- hamaydho- iyo jidhkiisa). <<saxiixul bukhaari & muslim >>.

labadaas xadiisba waxay sheegayaan in ay waajib ku tahay qofka muslimka ah inuu qobaysto maalinka jimce, culimada qaar sunnaysayna way jirtaa laakiin xaadiista waajiinaysaa aad u xoog wayn markaa waa inaad qobaystaa.

5: KALAHAADA MASAAJIDKA

عن أوس بن أوس رضي الله عنهقا ل صلى الله عليه وسلم: (من غسَّل يوم الجمعة واغتسل، ثم بكَّر وابتكر، ومشى ولم يركب، ودنا من الإمام فاستمع، ولم يلغُ، كان له بكل خطوة عمل سنةٍ؛ أجر صيامها وقيامها)؛ [سنن الترميدي].


Aws ibnu aws waxa laga soo wariyay inuu nabigu yiri :- ( qofkii maalinka jimce qobaysta madaxiisana dhaqa, saacada u horaysa masaajidka taga khudbaddana gaadha, usocda masaajidka gaadiidna aan fuulin, imaamka udhawaada khudbadu intay socotana aan hadal malaayacni ah ku hadal, dhagaystana khudbadda, talaabo kastoo uu qaado waxaa loogu qorayaa camal sannad soomkii iyo istaagitaankiis). <<sunanu tirmidi>>.

https://somaaliweb.com/wp-admin/post.php?post=209&action=edit. https://t.me/DARIIQA_JANADA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *