Su’aal: Irbadaha dawada ah ee laysku mudu (duro) marka la soomanyahay
miyay raad ku leeyihiin soonka?
Jawaab: Irbadaha laysku daweeyaa waxa ay u kala qaybsamaan laba nooc oo midkood yahay kuwo loola jeedo raashin (cunno) ahaan lagagana maarmo cunnada iyo cabitaanka,
hadaba hadday la mid noqdeen cunadii iyo cabistii way jabinayaan soonka, waayo wixii nusuusta sharciga (xadiiska ama Qur’aanka) xukunkiisu ku sugmay hadii la helo wax kale oo la macno ah (la mida) waxa ku dabaqmaya isagana xukunkaas laftiisa.
Nooca labaadna waa irbadaha aan la quudsan een lagaga maarmi karayn cunnada iyo cabitaanka, kuwani ma jabiyaan soonka waayo xukunka nasku sinaba uguma dabaqmayo, waayo cuno iyo cabitaan midna maaha, islamrkaana maaha wax sidii cunno iyo cabitaan la mida. Waxaana asala in soonku sax yahay ilaa la helo wax daliilka sharciga waafaqsan oo uu ku jabo.