Dhibaatadii quraysh ee Nabiga & Saxaabada

Nabiga xad gudubkay ugaysan jiriin iyo saxaabadii waxay usiyaadin jirtray sarayn iyo sharaaf, gaar ahaan saxaabada kuwooda taagta darrayd, waxa aynu ka sheegi doona tusaalayaal si ay ducaada ugu noqoto shidaal iyo dhiirigalin.

Nabiga dhibkii loogaystay muxuu ahaa ?

Abubakar dhibkii loo gaystay muxuu ahaa ?

cismaan dhibkii loogaystay muxuu ahaa ?

muscab dhibkii loo gaystay muxuu ahaa ?

Anas ibnu maalik alle haka raali ahaade wuxuu yiri:-“nabiga sallahu calayhi wasalam ayay garaceen wuu miyir doorsoomay, markaasa abubakar istaagay alle haka raali ahaade wuxuuna ku yidhi: ma waxaad dilaysan nin kadib markuu yidhaaday rabigay waa alle …!  Markaasay dhaheen nimankii quraysheed kumu ahaa ninkani ? waxay dhaheen: waa abuubakarkii waala”. Sheikha ibnu bassaar la dhaho waxa uu yidhi: “way ka tageen nabiga iyagoo ku jeestay abu-bakar”. <<xaakim m,3/s,67>>

Abu-bakar waa la dhibay oo Quraysh dhibaatooyin way gaadhsiiyeen ilaa u uku fekeray inuu u hijroodo dhulka xabasha.

Abubakar ayaa istaagay maalin isagaoo ka qudbeeyay masaajidka xaramka sa waxa garaacday Quraysh garaacitaan aad u daran, waxaana ka mid ah kuwii garaacay cutba binu rabiica waxa uu abu bakar ka garaacay wajiga isagoo kala dhacay labadiisii kabood, abubakar waxa uu gaadhay heer laga garan waayo wajigiisa sanka ilaa ay yimaadeen reer bani tamiim oo isa soo bahaystay, ayna ku qaadeen abu-bakar hal maro ilaa gurigiisa, iyagoo aan ka shakisnayn geeridiisa, waxayna ku dhaarteen in loo dilayo cutba hadii uu dhinto.<<bidaaya wa nihaaya m,3/s,33-34>>

CISMAN DHIBKII LOO GAYSTAY

Markii uu maqlay xaakim ibnu caas islaamnimada cisman waxa u uku xidh-xidhay xadhig, waxana u uku dhaartay inaanu ka furayn ilaa uu islaanimada ka tago, cismaana wuxuu ku dhaartay inaanu islaamnimada ka tagayn, markii uu arkay adeerkii madax adayga ayuu iska daayay.

MUSCAB DHIBKII LOO GAYSTAY

Markii ay muscab hooyadii maqashay inuu islaamay, cuntadii bay ka joojisay iyadoo gurigana ka caydhisay, wuxuuna kamid ahaa Quraysh kuwa ugu nolol wanaagsan, jidhkiisi wuxuu u adkaaday oo u jilfaystay sida jidhka abeesada, ilaa qaar kamid asxaabitiisu qaadeen markay arkeen dhibta iyo dayacaada ka muuqata.

ABU DAR DHIBKII LOO GAYSTAY

Markii abu dar uu maqlay warkii naiga ayuu soo galay magaalada makka, bilaabayna dadka inuu waydiiyo nabiga sallahu calayhi wasalam, reer makka way garaaceen abuu dar ilaa uu ka suuxay(miyir beelay), wuxuu ku dhawaaday inuu dhinto, cabaas ayaa ka celiyay alle haka raali ahaadee.

 ADOOMAHA DHIBKII LOO GAYSTAY

Kadib Quraysh markay markay dadaal ku bixisay xeelad iyo awoodna u isticmaashay siday ku damin lahayd dacwadii maxamed, arinkoodiiina quus kusoo dhamaaday waxay xaaladaas u noqotay dhib dadkii taakta darnaa oo mu,miniinta ahaa sida:- bilaa, cammaar iyo aabihiisa yaasiro, hooyadii sumaya,suhayb ar-ruumi, khabbaab,ina fuhayr,abii fukiyya, dumarkana sinniira, umu cubays iyo kuwo kalle.

Cabdullahu ibnu mascuud wuxuu yidhi:- (ciddii ugu horaysay ee islaamnimadeeda muujisatay waxay ahayd Toddoba qof oo kala ahaa:- nabiga,abubakar, camaar iyo hooyadii sumaya, suhayb, bilaal iyo miqdaad.

Nabiga isaga adeerki ayaa alle u sababay inuu cadawga ka celiyo

Abubakarna alle qoladiisa ayuu u sababay, inta kalle miyaa Quraysh way dhibtay, waxay u galisay diricyo bir ah, qorraxdana way ku ciqaabi jireen, qof insaana oo iyaga kamid ahaa majiro ilaa waa ku raacay waxay la doonayeen bilaal maahane isaga naftiisu waxay u dulawday ilaahay dartii,qoladiisuna way duleeyeen laba wiilna way u dhiibeen waxayna bilaabeen inay la wareegaan hareeraha makka isaguna waxa uu lahaa (أحد أحد) oo uu ka wado ilaahay waa kali. <<siiratu ibnu hishaam>>

SIDEE LOO  CIQAABI JIRAY BILAAL?

Bilaal wuxuu adoon u ahaa umayya binu khalaf, umayya waxa uu jiifin jiray qorraxdu markay kululaato, wuxuuna dhigi jiray dhabarkiisa ciida makka, kadib waxa uu fari jiray in dhagax wayn laga saaro laabta, wuxuuna oran jiray : sidaas lagaa badali mayo ilaa aad ka dhimanayso ama maxamed ka gaaloobaysid caabudaysidna laata iyo cussa,markaasu waxa uu odhan jiray isagoo dhibkaa ku sugan (أحد أحد).

DULQAATA REER YAASIROW BALANKIINU WAA JANNO

Cammaar iyo labadiisa waalid waxay ahaayen kuwo loosoo saaro laguna cadaabo kulaylka ciida makka, nabigu wuu soo mari jiray iaygoo sidaas loo caddibayo,wuxuu ku yiri:-“ sabra reer yaasirow balankiinu waa janno e” waa dhintay yaasir isagoo xaaladdaas ku sugan, alle haw naxariisto naxariis waasica, sumaya oo ahay cammaar hooyadii waxa ay hadalka ku adkaysay abuu jahal waxa u uku duray hooto farjigeeda wayna dhimatay iyadoo shahiida, waxayna noqotay gabadhii ugu horaysay oo muslimad shahiiday ah.

Cisman ibnu caffaan wuxuu yiri:-“ waxaan u imi nabiga isago I qabtay gacanta aanuna ku soconayno dhulkii ramaadka ahaa ee makka ilaa uu u yimi cammaar,cammaar abihii ayaa nabiga ku yiri: rasuulkii ilaahayow samanku ma sidaasaa…?

Nabiga: sabir.  “allahayow udanbi dhaaf reer yaasir….” <<musnadu axmed>>.

Kama uu san hadhin reer yaasir cammaar maahane isagoo ay dhadhansiiyeen gaaladii noocyadii cadaabka ahaa oo dhan.

CAMMAAR MUXU YIDHI MARKII XANUUNKU KA BATAY

Abuu cubayda binu maxamed binu cammaar binu yaasir wuxuu yidhi:- “mushrikiiintu way dhibaateeyeen cammaar kama ay san tagin ilaa uu rasuulka wax ka sheegay (af lagaadeeyay) ilaahyadoodiina khayr ka sheegay, markii uu nabigu u yimi cammaar wuxuu ku yiri:- maxa ka danbeeya (kugu dhacay)…?

Camaar: shar rasuulkii ilaahayow. Ilaahay baan ku dhaartaye kumaan dhaafin ilaa aan ku aflagaadeeyay, ilaahyadoodiina aan khayr ka sheegay.

Nabiga: qalbigaaga side ka dareemaysaa..?

Cammaar: mid ku xasiloon imaanka. Nabigu wuxuu ku yiri:-“ haday ku waydiiyaan sidii dheh waxaad dhahday”<<xaakim m,2/s,357>>.

Qataada wuxuu yiri:-

إِلَّا مَنْ أُكْرِهَ وَقَلْبُهُ مُطْمَئِنٌّ بِالْإِيمَانِ) 106، “النحل”

Ayadaas kor ku xusan oo tafsiirkeedu yahay:- (Mid mooyaane lagu qasbay isagoo qalbigiisu ku xasiloonyahay iimaanka). “Aayadaasi waxay kusoo degtay cammaar ibnu yaasir” <<isaaba fii tamyiisi saxaaba>>.

qisadii suraaqa iyo nabiga https://somaaliweb.com/wp-admin/post.php?post=151&action=edit

telegram https://t.me/DARIIQA_JANADA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *