Waa maxay xukunka qofka sooman ee indho-kuusha?

Su’aal: Waa maxay xukunka qofka sooman ee indho-kuusha marsada ?

Jawaab: Waxba kuma jabna inuu qofka soomani indho kuusho iyo inuu
indhihiisa ku dhibciyo dawo midna, sidoo kale waxba kuma jabna inuu
dhagahiisa dawo ku dhibciyo xitaa hadii uu dhadhankeeda ka dareemo dhuuntiisa soonkiisu ma jabayo. Waayo cunto iyo cabid midna maaha, lamana mid aha cabid iyo cunno (raashin la quuto), Daliilkana waxa lagu caddeeyay in la manciyay cunada iyo cabida, kolkaasi waa in xukunkaasi aan lagu darin wixii aan cunada iyo cabidda la mid ahayn.

Sidaasi aanu sheegnayna waxa qaba
Sheekhul Islaam ibnu Taymiye Allaah ha u naxariistee, sidaasi ayaana saxa.
Haddiise uu qofku sankiisa dawo ku dhibciyo dabeetana ay gudihiisa gasho
isaga sidaasi soonkiisu wuu ku jabayaa, waa hadduu u qasdiyay,
sida ku sugan qowlka Nabiga ﷺ

وبالغ في الاستنشاق إلا أن تكون صائمًا؛

((Sandaaqsiga ku xeel dheerow, adigoo sooman mooyee)).

Sh. Ibnu Cusaymiin aun

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *