Su’aal: Matagu miyuu jabiyaa soonka?
Jawaab: Haddii qofka soomani dhaawacmo, gororo (sanka dhiig ka yimaado), matago, biyo ama batrool ku siibtaan dhuuntiisa (cunaha) isagoon u qasdiyin, arimahaas oo dhami ma jabinayaan soonka, hayeeshee qofkii ukas iskaga matajiya soonkiisu wuu buray siduu Nabigu yidhi: ﷺ
( من ذرعه القيء فلا قضاء عليه، ومن استقاء فعليه القضاء)
((Qofkii matagu soo jiidho qale laguma laha kiise iska matajiya waxa ku
waajiba qale)).
Sh.Ibnu Baaz aun