Su’aal: Akhristaha C.Al-Faaris ayaa doonaya inuu ogaado xukunka shareecada ee ku saabsan soonka qof isagoo maqlaya adaankii subaxa hadana wax iska cunaya oo cabaya?
Jawaab: Qofka mu’minka ah waxa ku waajiba inuu ka joogsado waxyaabaha soonka jabiya sida cunada, cabitaanka iwm haddii ay u cadaato inuu waagii baryay, soonkuna yahay farad sida Ramadaan, soonka nadarka iyo soonka kafaaro gudka. Waayo Allaah ayaa yidhi:
{ وَكُلُوا۟ وَٱشۡرَبُوا۟ حَتَّىٰ یَتَبَیَّنَ لَكُمُ ٱلۡخَیۡطُ ٱلۡأَبۡیَضُ مِنَ ٱلۡخَیۡطِ ٱلۡأَسۡوَدِ مِنَ ٱلۡفَجۡرِۖ ثُمَّ أَتِمُّوا۟ ٱلصِّیَامَ إِلَى ٱلَّیۡلِۚ}
[سُورَةُ البَقَرَةِ: ١٨٧]
{Cuna oo caba ilaa ay idiin kala cadaadaan khadka cad (waaga) iyo khadka madow (habeenka) ee waqtiga fajarku, soonkana dhamaystira ilaa habeenka}
Haddii uu qofku maqlo adaanka, ogaadana in loo adimayo fajarkii waxa waajib ku ah inuu ka joogsado waxyaabaha soonka jabiya, haddiise uu mu’adinku adimayo waabariga ka hor ama ka dib kolkaasi waxay badbaadadu (األحوط) ku jirtaa inuu iska joojiyo waxa soonka jabiya markuu maqlo adaanka. Dhibna gaadhimayso haddii uu wax cuno ama cabo xillaga adinka, waayo wali kama warqabo inuu waagii baryay.
Waxa la ogyahay in qofka ku dhex nool magaalooyinka laydhadhka lihi aanu xilliga waago baryayo awoodin inuu garto in waagii si dhaba u baryay iyo in kale. Waxase la gudboon inuu dadaalo isagoo kaashanaya adaanka iyo jadwalada kuu sheegaya saacadda iyo daqiiqada uu waagu baryayo, isagoo ku camalfalaya hadalka Nabiga ﷺ ee ah:
(Ka tag wixii ku shaki galiya oo ku camal fal wixii aan ku shaki galin)
Iyo hadalkiisa ah ﷺ
((من اتقى الشبهات فقد استبرأ لدينه وعرضه))
((Qofkii ka dhowrsada arimaha shakigu ku jiro waxa uu badbaadiyay diintiisa iyo sharafkiisa)).
Allaana bixiya towfiiqda.
Sh.Ibnu Baaz