waa maxay xukunka qofka doona jebinta soonka?

Su’aal: Hadii qof si kama dambaysa u niyaysto inuu soonka jabiyo isagoon wax cunin ama cabin, miyuu soonkiisu jabayaa?

Jawaab: Waxa la ogyahay inuu soonku ka koobanyahay niyad iyo ka fogaanta waxa soonka jabiya, qofku wuxuu niyaystaa inuu soonkiisa Alle ugu dhawaado isagoo ka tagaya waxyaabaha soonka jabiya, hadduuse go’aansado inuu ficil ahaan u jabiyay soonkiisii, kolkaasi soonkiisu wuu jabay. Hadduu soon Ramadaan yahayna waxa ku waajiba inuu ka fogaado waxyaabaha soonka jabiya ilaa cadceed dhaca, waayo qof walba oo cudurdaar la’aan ku afuray maalin Ramadaan waxa ku waajiba inuu inta maalinta ka hadhay ka fogaado waxyaabaha soonka jabiya iyo inuu maalintaa qalleeyo.

Qofkiise aan go’aansan (inuu soonka jabiyo) ee wali isku haya inuu jabiyo iyo in kale, kaasi arinkiisa culimadu way isku khilaafeen:

Waxa ka mida kuwo yidhi: Soonkiisu wuu burayaa, waayo go’aan li’idu waxay lid ku tahay go’aanka.

Kuwo kale ayaa yidhi: Soonkiisu ma burayo. Waayo waxa asala oo la tix gelinayaa inay niyadu jirto ilaa uu go’aansado inuu gooyo oo uu suuliyo. Kan (ra’yigan) ayaan rajaxayaa xoog ahaantiisa awgeed, Ilaahay ayaa u cilmi leh.

Sh. Ibnu Cusaymiin

waa maxay xukunka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *