maraykanku miyuu aqoonsanayaa soomaliland 2025?

Maxay soomaliland ugu aragtaa soo noqoshada trump kansho aad u weyn?

 In badan oo ka mid ah dadka reer soomaliland ayaa aaminsan in dalka maraykanku uu noqon doono dalkii ugu horeyey ee aqoonsan doona jamhuuriyada iskeed madax banaanida ugu dhawaaqdey hillaadihii 1991-1993.

Mudo ku siman 33 sano ayey soomaliland tahay dal madax banaan, kadib markii ay dagaalo sokeeye ka dhaceen jamhuuriyadii soomaaliya oo ay ka mid aheyd.

 “trump waa halyeygeena”

Waxa saas I leh waa gabadh ku sugan magaalda hargaysa ee ah caasimada soomaaliand, hargaysa waxa ay dhanka waqooyi ka xigtaa caasimada jamhuuriyada fadaraalka soomaaliya iyada oo u jirta masaafo dhan 850 km ama 530 mile. 

Dadka muqdisho joogaa waxa ay leeyihiin soomaliland waa qayb ka mid ah soomaaliya lamana kala jaro karo dalkeena.

Waxa aan filayaa in Donald Trump uu garanyo waxa ay tahay soomaliland. Haku fakerin artintaas. Hana ku welwelin meesha ay ku taalo,

Waxa sidaas yidhi cabdulaahi maxamuud oo ah falanqeeye siyaasadeed, waxna uu u halday si cadho leh. 

Xisbiga jamhuuriga iyo dad kale ayaa arintan dabda ka riixaya, sida Congressman Scott Perry oo bishii hore soo bandhigay sharciyo u ogalaanaya in marykanku uu soomaliland u aqoonsado dal rasmi ah.

Sidoo kalena waxa ay dabo socotaa arintani daabacaad la daabacay bishii April 2023 oo ah mashruuca 2025 kaas oo ah khariirad loogu talo galay mudo xileedka labaad ee trump, waxaana soo diyaarisay haayadda caanka ah ee Heritage Foundation iyo in kor u dhaafeysa 100 ururo oo kale,

Dhukumantigu waxa uu ka hadlayaa labo dal oo afrikaan ah gaar ahaana ka hooseya saxaraha wana jabuuti iyo soomaaliland, waxaana uu leeyahay “ aqoonsiga dowladnimada soomaaliland waxa ay cadeyn iyo raad u tahay mowqifka sii xumaanaya ee marykanku ka wado jabuuti” 

Si kastaba ha ahaatee waxaa xaqiiqo ah in dalalka saxaraha ka hooseya ay saami uga helaan qorshaha madax-weynaha oo ka kooban 900 oo qorshe wax leeg 2 bog, taasi waxay ku tuseysaa in liiska mudnaanta aaney ku jirin qaaradu,

Dhanka kale ma jirto wax ifa-faalo wanaagsan ah oo laga qabo maamulka cusubi inuu raaci doono qorshaha, kuwaas oo qaarkood uu hore u diidey trump.

Laakiin hal arin ayaa la hubaa, oo ah in maraykanku uu bilaabay doorbidida dhanka soomaaliland isga oo muwqifkiisa u jeediyey halkaas, ka soo horjeedkana  la moodo in uu diirad saarkii ka yareeyey muqdisho,  lana moodo inuu ka diga rogan doono siyaasadii loo yaqaaney “hal raac” ee soomaaliya. 

Soomaliya waxa ay markaykna ka qabtaa khasaare dhaqaale, iyo mid nafeedba tan iyo horaantii sagaashameedyadii halkaas oo meydad gaadhaya 18 asakari oo maraykan ahi lagu jiid-jiiday wadooyinka muqdisho, kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ciidamada maraykanku leeyihiin ay soo rideen dagaalayahano ka tirsanaa qabaa’ilka soomaaliya.

“black hawk down” dagaalka magacaas xanbaarsanaa ayaa ahaa mid ka mid ah daglaadii ugu khasaaraha badanaa uguna xumaa dhanka marykanka maraka laga soo tago dagaalkii uu ka galay Vietnam.

“talaabo kasta oo loo qaado dhanka aqoonsiga soomaaliland keliya kuma xad-gudbeyso madax-banaanida soomaaliya, balse waxa ay khalkhal gelinyaa xasiloonida iyo ammaanka gobolka, iyada oo lagu dhaqaaqayo talaabo khatar ah” ayuu yidhi wasiiru-dowlaha arimaha dibadda soomaaliya cali maxamed cumar.

Midowga afrika iyo quwadaha gobolkuba waxa ay aaminsan yihiin midnimada dhuleed ee soomaaliya iney muhiim tahay, aqoonsiga soomaaliland waxa ay keeneysaa falcelin siyaasadeed oo silsilad ah kaas oo lala yeelanaya qolyaha gooni-goosadka ah, kuwaas oo aduunka oo dhan ka dalbanaya in la aqoonsado.

Cumar waxa uu sidoo kale carabaabay walaaca laga qabo inuu soo laabto go’aankii hore ee maamulka trump uu kagala baxay in badan oo ciidankiisa ka mid ah, kuwaas oo dagaal kula jira al-shabaab, kuwaas oo lagu tilmaamo kooxda ugu guulaha badan ee shabakda isku xidhan ee la yidhaahdo al-qaacida.

Inta uu madaxweynaha ahaa Joe Biden ilaa 500 oo asakri oo maraykan ah ayaa ku sugnaa gudaha soomaaliya, kuwaas oo fulinayey howlgalo gaar ah iyo tababarida ciidamada soomaaliya ee lagu magacaabo danab, waxa ayna muujineysaa iney ka waxtar badan yihiin marka loo eego ciidamada kale ee soomaaliya dhanka ciribtirka al-shabaab.

Maraykanku waxa uu saldhig dhanka cirka ah ku leeyahay deegaanka  balidoogle oo waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada caasimada ah ee muqdisho, waxa aaney si joogto ah u fuliyaan duqeymo ka dhan ah shacabka degen deegamadaas. Iyga oo ujeedku yahay waxa aanu duqeynayaan kooxo islaamiyiin ah, “halkaas waxa uu adeegsaday kelmd lid ku ah diinteena iyo cirdigeena isga oo ingu sheegay islaamiyiin si dhiigeen loo xalaashado magac islaam ahna loo foolxumeeyo, inaguna yeeli meyno arintaa waxa xaqiiqo ah in maalin walba duqeymaha maraykanka ay ku dhintaan dad shacab soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan anigu ma sheegayo kooxda al-shabaab” hadalkan aniga ayaa ku darsaday maadma turjumaadu ay tahay inaad ammaanada ilaaliso laakiin wixii dhaqankeena iyo diinteena ka hor-imaanya waaynu diideynaa. 

Ka bixitaanka ciidanka maraykanku waxa ay abuuri doontaa halis amni oo aad u weyn “ waa sida uu ina leeyahay ” taas oo hadafkooda u xaqiijineysa kooxda al-shabaab. Waxa ayna khatar gelinyaa xasiloonida soomaaliya iyo geeska oo dhanba, cumar ayaa ka digay arintaas. 

“laakiin sida xaqiiqda ah amni dardaba waxa wada waa marykan iyo reer galbeed kuwaas oo duulaan qaawan ku soo qaaday dhulkeena 30 sano bey inala joogaane mey dowlada inoo dhisaan” aniga ayaa hadalkan iska leh 

Hadalka wasiirku waa mid la mid ah kana miisaan badan sidii ay soomaaliya uga jawaabtay heshiiskii soomaliland iyo itoobiya oo ahaa in aqoonsi la siiyo soomaaliland badalka badeeda.

Waxaa habeenimadan isoo gaadhaya wicitaano ka imanaya dad soomaaliyeed kuwaas oo sheegaya iney ka seexan waayeen soo jeedintaa muranka dhalisay awgeed.

Wasiirka deegaanka ee soomaaliya aadan ibraahim Aw xirsi ayaa xiligaas igu yidhi “waxa aad mar walba baahisaan war ka dhan ah duqeymo siyaasadeed”.

“ dadka halkan jooga waxa ay arintaa ku tilmaamayaan dhulgariis siyaasadeed laakin waxa aanu odhan karnaa aad ayey uga sii daran tahay oo waaba suunaami”. 

Dowlada turkiga ayaa dhexdhexaadin ka aheyd  tan iyo xiligaa soo afjarida khilaafka, balse xaqiiqada ah in soomaaliya ay dhawaan la gashay heshiis ku kacaya $600,000 ( £492,000) shirkadda ugu sareysa ee ololeynya Washington ee BGR Group, waxa ayna soo jeedinyaa in ay ka walaacsan yihiin xiriirka kala dhaxeysa maamulka iman doona ee trump. 

Dowlada marykanka ayaa ka gaabsatay iney cadeyso qaraar u dhignaa in golaha amaanka ee qaramada midoobey uu ku maalgelinayo ciidamadii ugu danbeeyey ee nabad ilaalinta “lagu magacaabo nabad ilaalinta ana leh hadalkan sababtoo ah ma aha nabad ilaaline waa Gumeysi xeeladeysan” ee soomaaliya.

Nashqadeeyaha muhiimka ah ee fikirka jamhuuriga afrika, gaar ahaan marka ay timaado arimaha soomaaliya waa Joshua meservery, kaas oo dhawaan ka guurey heritage foundation, una guurey maxadka Hudson ee Midgta u janjeera,

“kiiska soomaaliland marka la eego dhinaca dowlada mareynkanka waa mid aad u adag” ayuu ku dooday, “ waxa ay ila tahay in galka ah aqoonsiga in si dhab ah looga wada hadli doono, in kasta oo dhanka waqooyigu uu yahay mid u wanaagsan danaha qaranka marykanka marka loo eegi ficil ahaan”, 

Madaxda sare ee afrika qaabilsan xiligii trump ayaa sheegay oo ay ku jiraan kaaliyihii hore ee xoghayihii hore arimaha dibada ee afrika, tibor nagy, iyo eryayga afrika, Peter pham, ayaa ah taageero firfircoon dhanka madaxbanaanida soomaaliland.

Si la mid ah qaar badan oo ka mid ah xisbiga jamhuuriga maraykanka, wasiirka arimaha dibada soomaaliland cabdiraxmaan daahir aadan waxa uu xidhiidhka u arkaa qaab  ganacsi ah,

“Hadii uu heshiisku noo wanaagsan yahay waanu aqbaleynaa, hadii maraykanku uu meeshan ka rabona saldhig milatari waanu siin doonaa”.

Dadka icitiraaf-raadinta jecel waxa ay ku doodaan in soomaliland ay ku taallo meel uu maraykanku ka leeyahay dano dhowr ah sida dhaqaale, ciidan iyo istaraatiijiyadba. 

Mr meservey ayaa intaa ku daray in dhulkaasi lagu amaano u hoggansanaanta mabaadi’da dimuqraadiga ah, oo aan lagu tiirsaneyn kaalamo shisheeye si loo helo dowlad yar.

Xeebtaa aadka u dheer waxa ay ka mid tahay mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan ee adduunka.

Xuutiyiinta Yemen oo ay iiran taageerto ayaa laga yaabaa inay baddalaan budhcad-badeedka soomalida oo ah kuwo ugu badan ee carqaladeeya isu socodka aaggaas, balse weerarada ay xuutiyiintu wadaan ayaa weli khatar weyn ku ah ganacsiga caalamiga ah waxa ayna gobolka ku soo dhaweynayaan dagaalada ka socoda bariga dhaxe. 

Looalanka loogu jiro saldhigyada shisheeye ee xeebaaha geeska afrika ayaa maraykanka walaac ku haya, taas awaadeed ayuu jabuuti uga dhisay xaruntiisa ugu weyn ee qaaradda afrika hilladii 2002-dii.

Ruushku waxa uu indhaha ku hayaa dakkada suudaan, imaamraadkuna waxa ay adeegsadeen casab-ta Eritrea si ay ula dagaalamaan xuutiyiinta, jabuutina waxa ay ka dhigan tahay mid kulmisey ciidamo badan oo shisheeye oo uu shiinihu ka mid yahay, kuwaas oo aan haysan xarun ciidan oo wanaagsan balse sidoo kale maamula dakkada weyn. 

Saldhiga ugu weyn ee Turkigu ku leeyahy dhul shisheeye ayaa ku yaala xeebaha soomaaliya gaar ahaan dhanka koonfureed ee caasimada muqdisho.

Wax ka qabashada kor u kaca shiinaha waa mudanaanta koobaad ee trump. 

Marykanka ayaa ku eedeeyey shiinaha in ay faragelin ku sameynayaan dhaq-dhaqaaqooda jabuuti iyaga oo laysar ku ifiya indhaha duuliyayaashiisa ee ciidamada cirka, waxa ayna aad u daneynayaan in ay u guuraan meel kale,

Waxa kale oo uu doonayaa inuu khalkhal geliyo hindise sharciyeedka “belt and road initiative” ee shiinaha kaas oo ah la wareegida inta badan wadamada afrika.

Marasada bada  cas ee berbera, hadii aad u aragto inay ka mida tahay soomaaliland iyo hadii ay soomaliya ka tirsan tahyba, waxa ay leedahay badal aad u badan. 

Dawlada shiinahu ma joogto halkaas, laakin markii ay soomaliland xidhiidhka la sameysatey taywaan aad bey uga xumaatay dowlada shiinahu.

Imaaraadka oo ah xulafo aad ugu muhiim ah maraykanka ayaa dib u habeyn iyo balaadhin ku sameeyey dekeda berbera isga oona gacnta ku haya, waxa aanay rabaan iney tartan la galaan tan jabuuti. 

Intii uu joogay maamulkii Biden, saraakiil sarsare oo Maraykan ah oo uu ku jiro taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom), ayaa booqashooyin ku tagay magaalada Berbera, oo leh waddo 4km ah oo ay diyaaraduhu ku ordaan oo uu si la yaab leh uu u dhisay Midowgii Soofiyeeti, xilligii dagaalkii qaboobaa.

Tan waxa uu  Maraykanku u arkaa  goob deg deg ah oo loogu talagalay maraakiibta hawada sare taas uu xiiso gaar ah  leh marka loo eego saaxiibka Trump ee Elon Musk oo ku mashquulsan hawada sare.

Hillaadu markii ay aheyd 2022, xeerka ogolaansha difaaca qaranka maraykanka ayaa wax laga bedalay iyada oo lagu soo daray soomaaliland, taas oo keeneysa iskaashi amni iyo suurto galnimada gogol xaar diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo weliba xooggan.

Waxaa laga yabaa in trump uu ku soo jiito aqoonsiga soomaliland hadii uu halkaa ka arko kansho iyo heshiis ganacsi oo wanaagsan,

Xisbiga jamhuuriga ayaa soomaliland u soo bandhigay heshiis ganacsi oo wanaagsan, iyaga oo rajeynaya iney racfaan ka qaataan, habka heshiiska trump, ee mashruuca 2025, waxa uuna adeegsada erayga “Hedge”

Diblumaasi reer soomaaliland oo fadhigiisu yahay cariga mareykanka ayaa yidhi “waxa ay ku xidhan tahay sida ay isaga kaaya iibiyaan, waana in ay ka dhigaan mid soo jiidasho leh, waana in ay na sasabtaan”.

Hadii uu ula jeedo sida uu u yidhi iyo hadii kaleba, keenista aqoonsiga soomaliland waxa ay ku xidhan tahay suudhka trump. 

Heshiiskan sida oo kale waxa ay ka cadheysiin doontaa soomaliya, kaa oo uu ku daraya 2018 liiska wadamada “shithole-ka”, uuna rabo sanadadan in uu u tarxiilo soomalida aan sharciga haysan, nabad gelyo doonimadiina ku guuldareystay iyo kuwa danbiilayaasha ah.

Durba waxaa soomaliland laga hadal hayaa arinta aqoonsiga, iyaga oo aad moodo in dhulka laga dhigi doono meel qashin qub ah, oo dadku ay dhulkooda ku badalanayaan aqoonsiga maraykanka. 

Aqoonyahanka u dhashay dalkan maraykanka ee Ken Menkhaus, kaas oo mudo tobanaan sano ah la socoday arimaha soomaaliya, ayaa keenay dheelitirka aadka looga baahnaa dooda, 

Wuxuuna yidhi “Waxay u badan tahay inaynu arki doono isbedel weyn oo ku yimaada siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Somaliland iyo Soomaaliya,” 

 “Mr Trump waxa uu shaki weyn ka qabaa gargaarka dibadda, waxa uu ka shakisan yahay dawlad-dhisidda soomaaliya ee aan wax rajo ah lahayn, waana go’doon cusub.”

 Geeska Afrika waxa uu u baahan yahay sidii loogu dhiiran lahaa isbedel.

Maqaalkan waxaa diyaarisey shabakada bbc news

Annaga oo ah bahda somaaliweb na waxa aanu u badalney afkeena hooyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *