5 Shay oo soomka kaa burinay ramadaan

5 Soomka way burisaa waana isku raacday culimadu

1:- Cunista &Cabista
2:- Galmada
3:- inad niyaysato afur
4:- diin ka bax
5:- Dhiigii xaydka & nifaaska inuu gabdhii ka yimaado.

Qofku waxyaabaha soomka burinaya inuu ku dhaco 4 xaaladood mid un bay noqon kartaa

๐Ÿ”น Inuu u kasay
๐Ÿ”นinuu ilowsho u sameeyay
๐Ÿ”น inuu yahay mid la qasbay
๐Ÿ”น inuu jaahil ka yahay

  • INUU UKASAY AFURKA

Soomkiisu waa burayaa.

Tusaale qof baa malin ramadaan cunay oo cabay si ula kac ah qofkaas soomkiisi waa uu ka buray. Waxaan ka dhalanaya:-

โ™ฆ Danbi wayn inuu ku dhacay. Culimadu waxay sheegan in ciqaab wayni kusoo aroortay qofka falkaa sameeya haduu sannad soomo inaan laga #aqbalynin.
โ™ฆ Waxaa ku waajiba inuu toobad keeno allena danbi dhaaf waydiisto

waxaa_laga rabaa inuu alle danbi dhaaf waydiisto soona qaleeyo maalinka xalaal miirasho darteed

FG:- Culimada qaar baa gaalnimo gaadhsiiyay qofka si kassa u afura malinka ramadaan.

  • INUU IS ILAAWAY KADIB AFURAY

Soomkiisu waa usax kana buri maayo waxana ina tusinaya xadiisakan

ุนูŽู†ู’ ุฃูŽุจููŠ ู‡ูุฑูŽูŠู’ุฑูŽุฉูŽ ุฑูŽุถููŠูŽ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ุนูŽู†ู’ู‡ู ู‚ูŽุงู„ูŽ ู‚ูŽุงู„ูŽ ุฑูŽุณููˆู„ู ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ุตูŽู„ูŽู‘ู‰ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ู ูˆูŽุณูŽู„ูŽู‘ู…ูŽ:ย ู…ูŽู†ู’ ู†ูŽุณููŠูŽ ูˆูŽู‡ููˆูŽ ุตูŽุงุฆูู…ูŒ ููŽุฃูŽูƒูŽู„ูŽ ุฃูŽูˆู’ ุดูŽุฑูุจูŽ ููŽู„ู’ูŠูุชูู…ูŽู‘ ุตูŽูˆู’ู…ูŽู‡ู ููŽุฅูู†ูŽู‘ู…ูŽุง ุฃูŽุทู’ุนูŽู…ูŽู‡ู ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ู ูˆูŽุณูŽู‚ูŽุงู‡ูย ุฑูˆุงู‡ ุงู„ุจุฎุงุฑูŠ(1933)ุŒ ูˆู…ุณู„ู… (1155)..

Nabigu sallahu calayhi wasalam wuxuu yidhi:-( qofkii is ilaawa cuna oo caba isagoo sooman soomkisa ha dhamaysto sababtoo ah alle ayaa quuudiyay). saxiixul bukhaari (1933) muslim (1155)

xog muhiim_ah

Qofka isgoo is ilawsan cuna ama caba waa inuu ka istaaga ficilka markuu xasuusto inuu soomnaa sidoo kalle haduu arko cid falkaa samaynaysaa waa inuu ka qabtaa.

Waslad hadii ay afka kuugu jirto, kadib aad xasuusto inaad soomnayd waa inaad tuftaa.

Hadii aad tahay qof cududaar u afuray waa inaad hadii aad wax cunayso araga dadka iska ilaalisaa.

  • IN LAGU QASBAY AFURKA

Soomkiisu buri maayo waana sax. Nabigu waatuu lahaa ๐Ÿ™ umadayda qalinka waxyaabah looga qaaday waxa kamid ah wixii lagu qasbo).

  • INUU U AFURAY JAAHILNIMO

Soomkiisu ka buri maayo waana a ansaxayaa.

Tusaale qof baa dawo cunay isagoo sooman waxana uu is lahaa ku afuri maysid, soomkiisu ka buri maayo qofkaa. Lakin waxaa ku waajjiba intaanu qofku samayn falka inuu cid waydiiyo.

https://somaaliweb.com/wp-admin/post.php?post=268&action=edit, https://t.me/DARIIQA_JANADA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *