2: Qoyskii sixranaa 15 sanno.

Waxaa jiray qoys ka kooban saddex hablood iyo laba wiil oo midi ay gabadh ahayd y qabtayna xanuunka suuxdiinka.

Reerkii waxay rumaysnaayeen inuu yahay cudur jidheed, oo uusan ka iman shaydaanka, ka dib, markii loo bandhigay faaliye, wuxuu qiray in gabadhu ay leedahay jinni, oo uu ka saari doono , wuxuu isku dayay inuu kasaaro gabadhii jinkii laakin waa ku guul guuldareystay.

Taasna waxaa sabab u ah xooga jinka oo ah mid awood u saaxiba ah, iyo daciifnimadan faaliyaha iyo iimaan la’aantiisa, ka dib waxay u geeyeen mid ka mid ah walaalihii ku guuleystay daawayntaas.

SIDEE LOOLA TACAALAY SIXIRIKI

sheikhii cilaaj ayaa loo geeyay gabadhii wuxuu la hadlay jinkii, jinkii wuxuu sheegay sababata uu gabadha ku galay, wuxuu yiri waan jeclaa sixir baanna u galay, wuuna sii waday akhriskii sheikhii cilaajku Maxaa yeelay sixirku waxa uu u baahan yahay daweyn dheer, kadibna waxaa lagu dul akhrinayay adkaar iyo quraan ku dhawaad ​afar bilood,Illahay fadligiisna  waa uu halay isago sheegay in aanay gabadhu kaligeed ahayn ta dhacaysa oo xanuunka qalalka qabta. balse reerkii oo dhan ay qabaan,ilaa ay gaadhay in waalidiintu aanay is xidhiidhin gogoshana ku kulmin muddo toddoba sannadood ku dhow, waxay u malaynayeen inay is xidhiidhiyaan gogoshana ku kulamaan, oo waxay rumaysnaayeen inuu yahay cudur jidheed,warkaana wuxuu sheegay iyagoo labada waalid gabdha ay ag joogaan oo maqlayaan.   

 

 Waxa kale oo reerku lahaayeen wiil marekan jira kasoo uu haleelay xanuunka kaadi haysta, waxaanay dhakhaatiirtu qireen in aanay awoodin in ay daweeyaan, waxaanay go’aansadeen. Kaadi-haysta oo ay ka saaraan, oo bac dibadda ah oo uu ku kaadiyo geliyaan, waxa uu alle doonay inuu ku ceebeeyo, jaahilnimadoodana muujiyo dhakhaatiirtaa, markii ay dhakhaarirtu sameyeen baadhitaano badan ayay sheegen sababta xanuunka oo ay dhaheen waa kaadi badnaanta, wuxuu leyhay wiilku labo kaadi hays mid yar iyo mid wayn, ta wayni ma shaqayso,kadib markay qaliin sameeyeen waxay meeshi ugu tageen hal kaadi hays un, iyagoo qaliinka ka hor ku sheegay inuu leeyahay labo kaadi haysa.

Markaasay inankii ka tageen, waxayna ku yiraahdeen: Wax daawayn ah laguuma hayo, qaarkoodna waxay yiraahdeen: Xubnahaaga ayaa ka kheyr badan xubnahayga.

Markii uu sheikhi isku dayo badan sameeyay oo uu  isticmaalay geedka qasilka la dhao iyo biyo ku maydhay, dhibaatadii way yaraatay, wuxuuna jinkii qirtay in tii sixirka samaysay ay tahay xaaskii adeerkii, si ay hadalka u run noqoto, ayuu ka codsaday jinkii inuu telefoonka kula hadal xaaska adeerkii. Maxaa yeelay 15 sano ma uusan bixin, jinkii ayaa taleefoon kula hadlay  gabdhii wuxu ku yiri: waxaan ahay jinkii hebel iyo hebel, ee hebel iyo hebel, saaxirad caynkaas ah oo kale ah. -iyo-dalka caynkaas ah waxaan rabaa in aan baxo,maxaa yeelay aad bay ii jirdileen,kadibna waan qirtay oo wan shegay sababta sixirku inay ahayd aargoosi, xaasidnimo iyo naceyb,markaasay dalbatay lacag mala awaal ah si sixirka loo furo .Waxaana laga codsaday wiilkii kaadi-haysta inuu sida ugu dhaqsaha badan u yimaado Riyaad, daawadiisiina la helay, markii uu u yimid arinkiina loo sheegay waxna lagu akhriyay ayuu xanuunki ka khafiifay. dabadeed isku dayo badan ka dib ayaa jinkii sheegay goobta sixirka, waana la keenay oo la burburiyay, reerkiina waa la bogsiiyey, waxaana lagu sixray shaadhka aabbahood. “Kitaabka shifaa bacdal marad”

https://t.me/DARIIQA_JANADA, https://somaaliweb.com/wp-admin/post.php?post=216&action=edit

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *