1: A Story b/w Suraqa and Prophet Mohammed

pMAXAA SURAAQA DHULKU ULA DAGAYAY ?

Suraaqa oo ka sheekaynaya dhacdadii dhex martay isaga iyo nabiga ayaa wuxuu yidhi:-(waxaa noo timi ergo ka socota Quraysh iyadoo dul dhigtay qofkii keena isagoo qafaal ah ama dila maxamed iyo abubakar mid kasta in lasiin doono diyadooda, Wakhtigaas waxaan ku dhex sugnaaa goob fadhi oo kamid ahayd goobihi ay fadhiisan jireen reer mudlij.

Waxa nasoo qaabilay nin reer mudlij kamida waxa uu ninkaasi ka dhex kacay dadkii iguna yidhi:- (war suraaqow waxaan arkay hada rag maraaya aagaa xeebta waliba waxay ahaayeen maxamed iyo asxaabtiisi), Wuxuu yiri suraaqa waxaan gartay inay iyagii yihiin, markaasaan dadkii ku idhi iyagii maahan ee waxaad aragatay waa hebel iyo hebel oo kuwa aynua doonayno maahan.

SURAAQA MUXUU GO,AANSADAY ?

Waxaan ku nagaaday goobtii saacad, kadib waan istaagay waxaan galay daartaydii waxaana amray jaariyadaydii inay isoo saarto faraskayga oo ayna ii geyso meel tag ah dabadeeda oo guriga aagtiisa ahayd halkaana iigu xidho, waxaan qaatay warankaygii waxaan kasoo baxay xagga danbee guriga, waxaan hoos mariyay caaradii waranka -si aanay Quraysh ii dareemin ayaan warankii afkiisi xaga dhulka xejiyay- ilaa aan u imi faraskaygii markaasaan fuulay waana la dheereeyay si ay ii dhawayso ilaa aan u dhawaaday maxamed iyo abuu-bakar markaasaan faraskii ka dhacay,

Suraqa wuxu yiri kadib wan kacay oo u haadiyay gacantayda kiishkii ay ku jireen leebabku(kishkaas waxaa iigu jiray qalimaan aan ukala qaybin jiray kuwo khayr iyo kuwo shar, hadii ay soo baxaan kuwa khayrka ay ku tilmaaanteen arinkaa way ku dhaqaaqi jireen haday soo baxaan kuwa sharkuna arinka way ka joogsan jireen)  suraaqa markaa waxa usoo baxay kuwii sharka ahaa ama markay ka faashadaan usoo bixi jirtay maya.

Wuxuu yiri waxaan caasiyay qalimaantii maadaama faalki isoo baxay maya, faraskiina waan u fuulay wayna ii dhawaysay ilaa aan maqlay nabiga sallahu calayhi wasalam  oo wax akhrinaya oo aan hareeraha eeg eegayn.

abubakar wuxuu ahaa markaa mid hareeraha fiirfiirinaya, waxa quusay (galay) dhulka adimadii faraskayga ilaa ay gaadheen ruugaga oo uu faraskii dhulka ku dhacay, kadib waan kiciyay kumay dhawaanin inay cagaha kala soo baxdo ciida.

markay istaagtay baan waxan ka arkay gacmaheeda ciid fidsan ilaa sammada oo sida qiiqoo kalle ah, waxan qaybiyay qalmaantii mar labaad  anigoo ka faashanaya, waxaa isoo baxay kii aanan jeclayn oo ka joogista ama maya ahaa, markaasaan u dhawaaqay anigoo ku dhahay maxamed iyo abuu-bakar nabad galiyo ayaan idin siiyay,way istaageen.

faraskaygii baan soo fulay ilaa aan u imaaday, naftayda waxa ku dhacday in layga xidh xidhay nabiga, waxaan ku idhi:-

Qoladiini waxay sheegeen inay diyo siinayaan qofkii idin soo qafaala ama idin dila, waxaana nabiga uga waramay waxa ay dadku ka doonaayeen, waxaana u bandhigay inaan siiyo maal iyo alaab, igama ay san ogolaan, waxna imaysan waydiin ilaa aan ku dhahay:- ” Naga dhuunta”.

SABABTA UU SURAAQA U DALBADAY IN LOO QORO WARAAQ ?

Waxaan waydiistay inay ii qoraan waraaq sababtu u dalbadayna waxay ahayd in lasiin doono amni hadhow haday soo noqdaan maxamed iyo saxaabadiisu, nabigu waxa uu amray caamir ibnu fuhayr oo ahaa ninkii waday nabiga iyo abubakar inuu u qoro suraaqa waraaq.

caamir wuxuu ugu qoray suraaqa harag farta ruqcada, kadib rasuulku socodkiisii buu iska sii watay, suraaqana dib buu u laabtay.

Wax ka baro taariikha nabi maxamed https://somaaliweb.com/wp-admin/post.php?post=140&action=edit

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *